Siyaasigii Ugu Kalsoonida Badnaa Soomaalida Waa Kuma?

0
Wednesday May 20, 2020 - 10:26:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasigii Ugu Kalsoonida Badnaa Soomaalida Waa Kuma?

    W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

Intaan saxaafada ku jirey siyaasiga bisil ee aan dhib u arag in la dhaliilo ama wax laga sheego waa wasiirkii maaliyadda ee Udub Cawil Xuseen Ducaale.



Waxaan xasuusta anigoo wargeyska Haatuf ka hawlgalla oo inta badan isaga wax laga qori jirey maadaama oo uu ahaa wasiirka ugu dhow madaxweyne Rayaale isla markaana ahaa wasiirka loogu hadal haynta badnaa wakhtigaa ayuu habeen walba telefoonka lineka soo garaaci jirey wargeyska oo uu odhan jirey hawl fiican baad qaranka u haysaan, ilaahay ha idinla garab gallo, hadda saaka wargeysku isagu dhaliilayey macmiilna wuu u ahaa dhaliishiisa waliba inuu akhristo lacag buu ku bixin jirey.


Wuxuu ahaa siyaasi dhaliisha u fahansan toosin oo aan marna cuqdad ka qaadin in la dhaliilo shaqadiisa. Wuxuu ahaa siyaasi ay biyo dhigtay dimuqraadiyadu.

 

Wuxuu aaminsana cidda ka soo horjeeda kasbo si aad sxb u ahaataan.


Tusaaale xisbiga kulmiye oo mucaarad ku ahaa ayaa maalin abaabuley mudaharaad, markii ay shireen wasiiradii Udub oo wax walba wada hadal ku dhamayn jirey ayaa wasiir cawil ka hawlgallay baajinta mudaharaadka si aanay dhib ugu iman shacabka, waxa uu la xidhiidhay Muuse Biixi oo waligood wada xidhiidhin si arintan wada hadal loogu dhameeyo, waxay ku balameen guriga wasiirka, waxay ka wada hadleen mudaharaadka iyo sida loo baajin karo, wasiirku wuxuu yidhi aynu isku keeno labada oday waa Rayaale iyo siilaanyo, ee anna Rayaale ku qancinayaa inuu kulan tooos ah la yeesho Siilaanyo ee adiguna Siilaanyo ma ku qancinaysaa inaan Rayaale horgayso oo wada hadal lagu dhameeyo oo la joojiyo mudaharaadka, Muusena wuu ballanqaaday sidii baa la iskugu geeyey labadii hogaamiye laguna joojiyey mudaharaadkii.

Marka Cawil waa ninka isku kalsoon oo mucaaradkiisa si dublamaasisan u kasbadda

 

W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...