"Falanqeynta Qudbadii Hogaamiye Muuse Biixi ee 18 May 2020"

0
Wednesday May 20, 2020 - 10:09:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Falanqeynta Qudbadii Hogaamiye Muuse Biixi ee 18 May 2020"

    1. In wada-hadaladda Soomaaliya uu Madaxweynuhu ku xidhay shuruudaha kala ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. In wada-hadaladda Soomaaliya uu Madaxweynuhu ku xidhay shuruudaha kala ah

(a) iney marka hore aqoonsadaan inaynu nahay labbaddii dal ee 1960-kii wax isku darsaday.


 (b) Arimaha Masiiriga ah ee kala noqoshada midowgii iyo madaxbanaanida toos loo abbaaro.



2. In Saraakiil 12 ah la guddoonsiiyay billado kala duwan taas oo wax ka taraysa niyadsamidda iyo mooraalka ciidanka.


Wuxu sheegay

2) Dadka uu Madaxweynu leeyahay  " Baloodhada ha laga wacdiyo.
Dhulku wuu inagu filan yahay oo waliba inaga badan yahay'e". Sidaas buu hadalka u dhigay.


Ma waxu hilmaamey inu isagu ugu horeeyo in laga cuudiyo lagana wacdiyo baloodhadan maanka lagaga qaadey ee uu masakiinta ka boobaayo.


Hadaba:

Wuxu ka hadlay Arimo Doora oo wakhtigeedi taagnaa.

Wuxuu Hogaamiye Muuse Biixi sheegay inaney marnaba qaadaneynin waxa dawlad kale loo so dhex mariya isago uga jeeda mucaswimada Somalia.


Waxuu hilmaamey in saako u danbeysay mucaawimada somalia so gaadhey dhulka somaliland sida Buuhoodle.


Wada hadalada iyo waxay Somaliland ka aaminsantahy bu so hadal qaadey Muuse Biixi Cabdi.
Wuxu dib ugu noqdey italian somalia iyo British Somaliland sidi ay u midooben.


Waxnu sheegay in bulshada somaliyeed marna ka masrmin laba dawladood oo jaara noqdaan.

Waxa la odhan kara waa inkiraad midhaasi somaliland dadka ku wada nool ban ogoleynba kala go'a Somaliland iyo Somalia.


Wuxu sheegay in kharash badan lagu bixiyey wada hadalada somalia iyo somaliland. Wuxu hilmaamey inay tahay hal bacaad lagu lisay taasi.


Hadaan hoos u degno sababta loo doonayo inan Somaliland ka go'in Somalia waa reer Somalia oo u garanaya dawladimada sidey somaliland aanay u garaneyn waana umad isu diin iyo isu isir ah sabab kala kaxaysana anay jirin.


Dhinaca mucaawimooyinka ayuu so hadal qaadey hogamiye Muuse Biixi.

Waxanu sheegay inaney aqbaleyn hadii Somalia la so mariyo wax deeq mucaawimo ah.


Lakiin maanta iyadoo xanuun jiro dad badanina ka fadhiisteen shaqadoodi waxay ahayd inaanu siyaasadeyn oo kala saaro siyaasada miseyriga ah iyo Caafimaadka Bulshada reer Somaliland danyarta u badan baahida badanina hayso.


Nin an baahneyn ma dareemi karo baahida bulshada haysa waana sida maanta ka muuqata Madaxeynaha


Bulshadu talo caafimad siiyey oo ah in lays ilaaliyo bulsho ahaan lana kala durko si an xanuunku u fidin.


Waxa uu taabtay in bulshada uu kalsooni badan ka qabo ogaadeyna in dad wax qabsan karaya.
Isago xusay ganacsatada maalka badan ku bixiyey xanuunka coronna virus ka.



Waxa xusid Mudan:

Bulshada Somaliland waxaas oo mucaawimo ah meel lagu bixinaya ma jirto waxaana loo leexsadey meelo gaara mana jirto meel danyar wax loogu qaybiyey.


Wana arin taxan ila madaxtooyada iyo wasaarada Caafimaadka oo wakiilaneysa gudiga ka hortaga corrona virus.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...