Xadhigga Coldoon Yaa Ka Dambeeya ( Abdi-Shotaly)?.

0
Wednesday May 20, 2020 - 09:49:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadhigga Coldoon Yaa Ka Dambeeya ( Abdi-Shotaly)?.

    Qore:- Abdi-shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-shotaly.

     Waxan ku garaad-saday Maamulkii Aadan-Cade ee Somaliya, ilaa iyo maalin-taas, weli maanta ka horaw maan maqal, mana arag, wixii maamul na soo maray, maamulka "Xaafad-tooyadda ka hortaw " Qof baa reer u xidhan" aan gacan ku dhiigle ahayn" Waa markii koowaad taariikh-dda ina soo marta, in Abdimalik. M . Coldoon reer u xidh-naado" Runtu beenta waw cadaw, xaq-na baadil waw nacab, gari eexdda ma ogola, barwaaqo iyo abaari meel ma wadda maraan, aqoon iyo jahailnimo qof kuma wadda kulmaan, Wax la qariyo iyo cadaan iyana hadh cad bay kala baxaan, mugdi habeenimo iyo ifiin dharaareed iyana la iskuma khaldi karo, Cadceed maalinimo duhur joogta iyo dayax bil saddex sii dhacaya si looma wadda arko, qof maskaxdda ka buka iyo mid fayoobi si wax uma wadda arakaan, Tuug iyo kii uu xaday-na heshiis ka dheer, ummadda loo kala ab-tirinaayo, oo qaar hoosta beel ahaan la soo gasha-naayo, qaarna dhabarka loo jeedinayaa iyana wax ma wadda yeelan karaan, hadana cadaalad laga cararaayo iyadoo wax wadda lahaan-shihii ummadda ka dhexeeyey, in yar gacanta loogu ridaayo, wadaad mufti ah iyo wabiin tusbax dheer lulana si looma waddo dhegaysto, daacadnimo iyo khiyaamo iyana meel ma wadda galaan, Qabyaalad baan hoosta ku haystaa iyo qarana baan hogaamiyaa, iyana laba is raaci kara maaha. intaas oo wadda khuseeya, ahna Waxa Somaliland ka taagan, ee uu ka wado askariga aan lagu soo dhawaanini, markaan guud mar-koodda soo dhaafo, ee aan ku soo noqdo Cinwaanka maqaal-kani waxa uu inoo tibaaxaayo, Hoos ka akhri cidda uu u xidhan yahay Weriye Abdimalik Coldoon.

 

   Waxa la yidhi oo murti-deena ka mid ah " Waraabaw in aad saamo jiido iyo sanqadh tirasho kala daaye" Runta haddii aan la is taabsiin, oo aan farta la iska saarin waxa jira, waxay ku dambaysaa sidda uu xaalku hadeer yahay, ee ah munaafaqad la isugu dabaal-joogtay-naayo, aan ku soo dhawaadee, horta Abdimalik Musa Coldoon aynu is weydiino'e yaa haysta ama uu u xidhan yahay? Jawabta su'aashaasi, adiga oo aan ka gaban xaqiiq-dda jirta ( Waa haddii aad illaahay ka baqay-saane) Wuxu u xidhan yahay beesha ka soo jeedda galbeedka,kuwaas oo arday-doodda oo keliya loo ogol-yahay Dugsiga Boodhaanka ah ee  "Abaaso" Waxana lagu masruufaa Hantiddii ummadu ay wadda lahayd, oo cadaan beel gaar ah loogu xidhay in aanay cid aan iyaka ahayn ( Waa markhaati ma doon), Caruurta beelaha kale-na looma ogola in ay galaan ama dhigtaan. Maxaa-yeelay kan waalan ee kursiga boobay baa ay isku isir yihiin. Hadaba Halka laga haystaa Weriye Abdimalik Musa Coldoon waa halkaas.  Run hadaad rabtaan Reerka baa haysta, oo weliba been ka sheegay Abdimalik, waayo arday-dda wax kama sheegin, mana caayin, af-lagaado iyo fadeexad-na uma uu geysan, ee maamulka dugsiga buu ku cadeeyey, dhaqan xumidda ay inoo keenayaan, doonayaana in ay ku beeraan dhul-keena iyo caruur-teena,

 

     Wxa laga hayaa wadaaadkii waalaa ee Ina Cabdalle Xasan " Xaamir waa saleelee, anaa haatan caymadiye" Sidaas waxa u weheliya Colaad gaar ah, oo loo qabo beesha Garaxajis oo aan qarsoonayn. waxay rabaan in ay u gud-biyaan wixii illaah inagaga mamnuucay diin-teena mudan. inta uu yidhi waa sidaasi, haday sax tahay  ama xun tahay-ba, waa khalad oo may ahayn, in uu inoo yimaado Waayo wuxu wax ka sheegay maamulka dugsiga, oo soo casuumay nin-kaas bilaa diinta ah, sababta oo ah, Taas oo aanay ahayn in uu ninka noocaas ahi, uu yimaado-ba dalka, haba sii joogto in caruur-teena la soo baro ama uu arko-ba'e. Sababta oo ah inaka oo ummad muslina sheeganayna, in aan ubad-keena khaniis ah ku soo dhawaynaa waa xaaraan, haddii uu Abdimalik taa sheegay, oo uu yidhi may hayn in ay sidaas dhacdo, ee maamulka dugsiga baa anshx xumidaas ugu wacan, ma in lagu xidhaa baa? Waxan muwaadin ku soo qoofalay, Abdimalik wax loo haystaa, maaxd u kashifaysaa Daboolaha aanu wadano, saw ma odhan karno kuwaa sidaas ku xidhay, iyka laf-toodda baan diinta aan aqoon u lahayn. in ay ku gacan siiyaan bay ahayd, waase nasiib darro, in maanta xataa uu maamul-kooddii sidaa sugu hiiliyo.

    * N.B Xaqu Baail Waw Nacab, Garna Eexdda Ma Ogola"

   Qore:- Abdi-shotaly.

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...