Cabasho Iyo Tabasho

0
Wednesday April 10, 2019 - 12:58:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabasho Iyo Tabasho

    Aar'aar (Hordhac) ----------------------------- Cabashada & Tabashadu waa laba dareen midba cayn u dhaco. Balse kala wacan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aar'aar (Hordhac) ----------------------------- Cabashada & Tabashadu waa laba dareen midba cayn u dhaco. Balse kala wacan
. dantu midkaan wacnayn haday kubido mooyji (Fool haday timaado guda-qarsiimo hadhay
.
Cabasho (Baryo)
---------------------------
Cabasho... Culays & Cuddud aanad iska caabin karin markay kugu yimaad ama xaal kugu cakirmo habka aad caawimo ama xaqaaga ku raadisaayi waa "Cabasho". Caadil u cabo mooyee rag inaad u cabataa waa ceebtaada. Cabasho raagtaa ciil & gunimay kubidaa. Nin aabihii caban jiray isna cuqdad buu udhintaa. Wiilkaaga dhimasho xun ha badin.
.
Tabasho (Garnaqsi)
------------------------------ ---
Tabasho... qof aad xeeriso gaf uu kuu gaysto ama gardaro & guhaad uu kubido ouo tu xun mooye tu san kuu gaysan waayo waxaa lagula tacaala ama gole la timaada waa "Tabasho". Tabashadu waa hab wax la isugu tabiyo oo wax la'iskugu tilmaamo xiliga isturxaan bixinta. Ninka tabasho ka korin ubadkiisu wuu tasooba. Tabashadaan lagaa turxaan-bixin inaad tashatay ku tilmaamta ama tasaw (quus) bay kaa dhigtaa.
.
Tilmaam
---------------
-Adigo Ceel qodan kara qayrka ha u caban-
--Tabasho haka tagin, Tabashona haku noolan--
.
Waxay godabtiisu hadhin
Gar aad leeduhuu ogyahay
Nin gole kaaga masuugay.
.


Abdishakur Gande
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...