Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (11)

0
Wednesday May 20, 2020 - 09:39:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (11)

    Maxamed Baashe Xaaji Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Socdaal Sahamiye oo weriye Soomaaliyeed ahi waxa uu sii ambaqaadayaa waraysigii uu la yeelanayey Jidbixiye Laangooye oo ka mid ah mas'uuliyiinta dhaqdhaqaaqa MKM oo ah urur cusub oo dhowaan lagu dhawaaqay. Tani na waa qaybtii 11aad ee waraysigaas taxanaha ah:



Socdaal: Soonqaad suubban.
Jidbixiye: Soonqaad wanaagsan.


Socdaal: Haye, waxa aad tidhi laba webi ayaynu iska tuurnay oo webi la'aan baannku soo dhacnay oo gooni isu taagga aynu ku weyney?
Jidbixiye: Haa, waxa kale oo aynu gooni isu taagga ku weyney in dhul beereedkeennii yaraado, xoolaheennii na yaraadaan.


Kala tagga iyo colaadda waa lagu xoolo yareeyaa, waana lagu xabaalo badiyaa. Ilaha waxsoosaar ee aadmiga (human resources) iyo gocommada dhaqaaluhu ba ( economic sectors) kala tagga iyo colaadaha waa ay ku qombobaan.


Waxa aan xusuustaa, tusaale ahaan,  magaalada Burco oo ahaan jirtay sayladda xoolaha ee ugu weyn Soomaaliya sannadihii 1970-aadkii iyo 1980-aadkii oo cammurnaan jirtey oo shimbir lahayd, calankeedu taagnaa.


Waxa sayladdaas iman jirey oo lagu csshuuri jirey, lagu na kala iibsan jirey oo Berbera ka dhoofi jirey wanka madaxa madow ee badhida weyn ee ka yimaadda Cadaado, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Galdogob, Balanballe, Bandiiradley, Gaalkacayo iyo Garoowe.


Baabuurta xoolahaas keentaa waxa ay Burco bakhaarradeeda ka qaadi jireen raashinka, dharka, maacuunka iyo bagaashka kale ee bakhaarradaas Burco yaallaa oo ay dib ugu celin jireen magaalooyinkaas ay xoolaha ka soo qaadeen. 


Gacmahaas is dhaafaya ayay galladi ka dhalan jirtey oo lagu wada tanaadi jirey.


Waxa kale oo Burco iman jirey subagga codcodka iyo sixinta ka kooban, hilibka jabdhanka iyo muqumadda/oodkacda isugu jira, midhaha hobhobta, gammoshaaga iyo xabag barsheedda ah ee laga soo guro gebiyada Wardheer, Walwaal, Dhudub iyo Gallaaddi.


Waxa kale oo Burco iman jirey muuska, cambe babayga, cambe lafka, bambeelmada ama liin qarbooshta, liin macaanta, liin dhanaanta, tamaandho xabuubta, qaraha/xabxabka, sisinta iyo sabiibta ka soo go'a ee  laga soo guro dhul beereedka hodanka ah ee Afgooye iyo labada webi ee Shabeelle iyo Jubba.


Waxaas oo dhan oo qaniinad ah oo aan cidi kaa lahaan jirin, cidi na kuugu tarsheegan jirin ayaynu gooni isu taagga ku weyney oo aynu dhaafsannay cadaawad, cuqdad iyo saboolnimo maal iyo tu maskaxeed, iyo xabbad iyo suti-xadayood.


Socdaal: Burco xaaladdeeda maanta ka warran?
Jidbixiye: Agaraadam. Waa waaqla'. Tukahaa dhex tallaabsada. Ma aha Burcadii cammirnaan jirtey ee shimbirtu ka duuli jirtey. Baalkaa waayadan ba ka qoyanaa.


Burco waxa ay wakhtiyadaas (1970/1980(  ka mid ahayd magaalooyinka ugu cammiran, dakhliga cashuureed ee ugu badani na ka soo xeroon jirey. Dhaqdhaqaaqa suuqa iyo wareegga lacagtu waxa ay ahaan jireen xaammi gala guri kasta oo u gaadha qof kasta si toos ah ama si dsdban ba.


Maanta waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu dakhliga liita. Waxoogaaga xoolaha ah ee weli magacii sayladdeeda sii dugsanaya ee yimaadda xitaa lagu cashuuro oo isku duubni bay u dhaafaan oo Berberaa lagu cashuuraa. Xeer 12 ayaa loo samaystay. "Siday u dabayshadeen, miyay dib u soo noqdeen". Burco waa ay is weydey!


Burco hooyadii dhaqanka iyo hiddaha, suugaanta iyo aabbayaashii halganku maanta ilmadaa ka da'aysa labada dhaban. Waa muraadillaac.


Dhanna uma fayooba. Su'aalo badan ayay is weydiinaysaa. Maxaan shalay ahaa? Maxaan se maanta ahay? Sabab, waayo?


Oohintu Burco kelideed kuma koobna ee Hargeysa, hoygii fanka, ayaa la qabta murugada iyo baayaalka. Codkeedii dheeraa ma dhaafo laba taag ee Buurta Naaso Hablood iyo Buurta Kala Jeexan. Waa gunnu gunnu, cod gaban-ka-xoor ah, gudhu baa gudhu baa iyo af gurracan.


Boorame, hooyadii aqoonta, dhaxan iyo gabayoox ayay la yuururtaa oo Burco ayay oohinta la qabtaa. Go'doon iyo cidhiidhi bay dareenaysaa. Gilgilashay maaggan tahay. 


Hibooyinkeedii ayaa sidii roob mahiigaan ah oo laami ku da'aya cidla' ku qubanaya oo ku dul iyo dhex dhimanaya.


Laascaanood, Taleex iyo Buuhoodle, rugihii Daraawiishta iyo gumeysi iska caabbigu, ayaa Burco hadimada  la qaba, oo ragannimadiu iyo foolaadnimadii lagu aasayaa. 


Dhanna uma fayooba. Nin dhukan oo is dhega mara iyo nin gurran oo is gawraca ayaa labada dhinac kaga shimbiro-waaqlaynaya.

Sanaag iyo Ceerigaabo, gurigii awoowayaasha iyo sooyaalka, ayaa taas Burco kala siman oo wada ilmaynaya. 


Iftiinkii iyo musbaaxii taariikheed ee ka nuuri jirney wuu sii gamaarayaa, inta badanna waa ba ka ba bakhtiyey oo muqdi iyo madow baa simay.


Waa se daanno culusoo, da'yarteenna maantiyo, innagaa ka daba tegi.


Xiddigaha, dayaxa iyo qorraxdu kuma amrana/sharfana xajmiga iyo weynaanta baaxaddooda ee waxa ay ku amran yihiin/sharfan yihiin waa iftiinka iyo nuurka ay bixinayaan.


"Marka haaddu socod deyso
Dhirta sare tukuhu fuulo
Gorayadu sanqadho reebto
Adna soonka xidho maaha
Muqdi talada sii maaha
Berri iyo siday doonto
Sug cadceedda maqan maaha
Saqda dhexe habeen soocan
Gudcur simay adduunkeenna
Wax siraata noqo weeye".
MIW Hadraawi: Sirta Nolosha, 1986.


La soco qaybta 12aad, HAI.


Ha la soomooy
Ha la soomooy
Soddonka Ramadaan
Ha la soomooy.


Maxamed Baashe Xaaji Xasan
[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...