Weedhsame: Marka Adeero Madaxweyne Yahay

0
Wednesday May 20, 2020 - 08:54:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weedhsame: Marka Adeero Madaxweyne Yahay

    Adeero Ha Noolaado Xataa Hadduu Naarta Nagu Gurayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adeero Ha Noolaado Xataa Hadduu Naarta Nagu Gurayo.



Marka adeero xilka madaxweynanimada hayo, waa marka dawladnimadu ugu fiican tahay dalkuna halka ugu sarraysa marayo. Dhulku waa barwaaqo, busaarad iyo baahiyina ma jirto, dalka iyo dadkuna badhaadhe adduun iyo baarax nabadeed ayey ku jiraan. Haddana anigu waan busaaradsanahay, waan baahanahay, waan harraadanahay, laakiin waxaas oo dhib ah xilkan weyn ee adeero hayaa iga qarinaya oo aan ku ilaaway!!! Waayo saw magaca ma wada lihin oo dheeftiisu dheeftayda maaha!!!

 

Haddaan biyo la’aan ka cabo is idhaahdo, ma hadli karo, waayo waa qasab in aan adeero ixtiraamaa oo aan farxadiisa ka shaqeeyaa, weliba aniga oo harraadan intaan is xil-qaamo aan sharaftiisa difaacaa. Saw haddaan anigu tabashadayda sheegto ama baahidayda soo hadal qaado Adeero nacabka uma jabayo!!!

 

Haddii mid kale oo reer kale ah aan cabasho ka maqlo, isagu waaba qaran dumis, waayo markii adeerkii madaxweynaha ahaaba muu caban jirine, ma markii adeerkay madaxweynaha noqday, ee uu nimcada aanu labadayaduba ka qatanahay cagaha la galay, ayuu tashwiish ku furayaa?

 

Cid kasta oo adeero maamulkiisa dhaliisha ama wax ka sheegtaa annagay noo jeedaa, ilayn isagu waa muraayaddii aanu qabkayaga iyo ragganimadayada ka dhex arkaynaye. Cid kasta oo adeero nala dhista oo nala buunbuunisaana waa muwaadiniin dalkooda iyo dadkooda jecel oo wadaniyadu dhiiggooda ku mudan tahay.

 

ADEERO HA NOOLAADO XATAA HADDUU NAARTA NAGU GURAYO.

 

La soco…

Waa inoo berri iyo marka ADEERO bilaa kursiga yahay.

Loading...
Loading...