Trump oo ku Hanjabay inuu si joogto ah u joojinayo maal-gelinta WHO

0
Wednesday May 20, 2020 - 07:32:02 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo ku Hanjabay inuu si joogto ah u joojinayo maal-gelinta WHO

    Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku hanjabay inuu si joogto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku hanjabay inuu si joogto

Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku hanjabay inuu si joogto ah u joojin doono maal-gelinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, haddii aysan ballan-qaadin inay horumarro ku sameyn doonto 30 maalmood gudahood.


Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu dib uga fakari doono xubinnimada Mareykanka ee hay’addaas. Trump ayaa bishii tagtay si ku-meel gaar ah u joojiyey tabarucaaddii Mareykanka ee WHO, isaga oo ku eedeeyey inay taageereyso "akhbaaraadka qaldan” ee Shiinaha ay ka bixinayaan cudurka Coronavirus, eedeymahaas oo WHO ay beenisay.


"Haddii WHO aysan ku ballan-qaadin horumarro weyn oo la taaban karo 30-ka malamood ee soo socda gudahood, waxaana hakinta ku-meel gaarka ah ee aan ku sameeyey maal-gelinta WHO ka dhigi doonaa mid joogto ah, waxaana dib uga fakari doonaa xubnnimadeeda,” ayuu Trump ku sheegay warqad uu u diray agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo uu twitter-ka soo dhigay.

Trump ayaa horey u sheegay in WHO ay sameysay "shaqo laga niyad jabo” marka ay timaado habka ay ula tacaashay fayruska, islamarkaana uu dhowaan qaadan doono go’aanka Mareykanka ee maal-gelinta WHO.

Warqaddan ayaa Trump waxa uu ku sheegay in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in WHO ay muujiso inay ka madax-banaan tahay Shiinaha, wuxuuna intaas ku daray in maamulkiisa uu goor horeba billaabay wada-hadallo dib u habeyn oo uu la leeyahay Tedros.

WHO ayaa Isniintii sheegtay in dib u eegis madax banaan oo lagu sameynayo jawaabta caalamka ee Coronavcirus loo billaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan, islamarkaana taageero iyo ballan-qaad maal-gelin oo weyn ay ka heshay Shiinaha, oo ah dalka uu fayruska kasoo billowday.

REUTERS

Loading...
Loading...