Wakiilka Somaliland Ee Faransiiska Oo Sheegay in Caalamku Bogaadiyeen 18-ka May

0
Wednesday May 20, 2020 - 02:56:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Somaliland Ee Faransiiska Oo Sheegay in Caalamku Bogaadiyeen 18-ka May

    Hargaysa(HWN):-Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan, ayaa ku Ammaanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan, ayaa ku Ammaanay

Hargaysa(HWN):-Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan, ayaa ku Ammaanay Madaxeyne Md Muuse Biixi iyo xukuumada dedaalada ilaa wakhtigan ay ka geysteen sidii bulshada Somaliland looga bad baadin lahaa aafada xanuunka Covid19-ka.


Safiir Cali oo qoraal kooban oo uu kaga hadlay munaasibada 29 guurada ka soo wareegtay maalinta madaxbanaanida JSL ee 18 May iyo talaabada xukuumada Somaliland u qaaday ka hortaga xanuunka Covid19 oo u soo gaadhsiiyey wargeyska Dawan, Idaacada iyo Telifishanka Qaranka.


Waxaanu yidhi, "Ugu horeyn waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha JSL, Madaxweyne-xigeenka, goleyaasha Qaranka, xukuumada iyo shacabka sannadguurada 29aad ee ka soo wareegtay maalinta madaxbanaanida ee 18 MAY, Ilaahayna weydiisanayaa inuu sannadka xiga caafimaad-qab iyo badhaadhe innagu gaadhsiiyo, aamiin.

18-ka May, kuma iman si fudud, balse waxay shacabka Somaliland iyo halyeeyadoodii u hureen dhiigooda qaaliga ah, nabadgelyada iyo horumarka aynu maanta haysano, waxaana looga baahan yahay shacabka Somaliland oo kaashanaya xukuumadooda inay wadajir u ilaashadaan guusha ay gaadheen”.

Geesta kale danjiraha Farnasiiska Md Cali Ismaaciil, ayaa ku amaanay Madaxwenaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumada dedaaladooda ka hortaga xanuunka Covid-19.

"Mar labaad waxaan si weyn ugu amaanayaa Madaxeyne Md Muuse Biixi iyo xukuumada dedaalada ilaa wakhtigan ay ka geysteen iyo natiijooyinka ka soo baxay sidii bulshada looga badbaadin lahaa aafada xanuunka Covid19, iyadoo aynu ognahay haynta dhaqaalaheena.

Talaabooyinka kala duwan ee ay qaadeena bogaadin ayey ugu soo jeediyeen madax caalamka ah oo xidhiidho na dhexmareen”ayuu yidhi Cali Ismaaciil.
Isagoo ahdalka sii watayna waxa uu yidhi, "Waxaan ugu baaqaya bulshada Somaliland inay ku dhaqmaan talooyinka Guddiga Qaran ee ka hortaga xanuunku u jeedinayaan, taasoo ah habka keliya ee caalamku isku raacay in qofka iyo ehelkiisu kaga badbaadi karaan”.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...