War Deg Deg Ah:-Dacwadii Badda Ee Kenya Iyo Soomaaliya Oo Markale Dib Loo Dhigay Iyo Jadwal Cusub Oo Loo Dajiyey

0
Tuesday May 19, 2020 - 22:27:49 in News by
  • Visits: 1679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Dacwadii Badda Ee Kenya Iyo Soomaaliya Oo Markale Dib Loo Dhigay Iyo Jadwal Cusub Oo Loo Dajiyey

    War Deg Deg Ah:-Dacwadii Badda Ee Kenya Iyo Soomaaliya Oo Markale Dib Loo Dhigay Iyo Jadwal Cusub Oo Loo Dajiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Dacwadii Badda Ee Kenya Iyo Soomaaliya Oo Markale Dib Loo Dhigay Iyo Jadwal Cusub Oo Loo Dajiyey


Muqdisho(HWN):-Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.


War maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas.



Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go'aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.


 

15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay.



Dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kiiska, codsi ka yimid Kenya dartiis, hase ahaatee markan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go'aanka dib u dhigista.



Dowladda Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga biyo diidsaneyd dib u dhigista dacwadda ayaa hadda sheegtay inay u hoggaansami doonto jadwalka cusub.



Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga dacwadda u qaabilsan dowladda Federaalka oo goor dhaweyd ay la xiriirtay BBC-da ayaa yiri: "Mar walba Soomaaliya dalabkeedu wuxuu ahaa inaan dib u dhigis kale lagu sameynin dacwadda laakiin hadda waxaan ku khasban nahay inaan ku qanacno go'aanka maxkamadda.


Jadwalka Cusub Ee Dacwadda



Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am - 01:00 pm):Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm - 04:30 pm:Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am - 01:00 pm):Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm - 04:30 pm:Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm - 06:00 pm):Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm - 06:00 pm):Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

 

 

 


Loading...
Loading...