Hanbalyo Tareenka Shacabka Ee Haŕgaysa ka Dhaqaaqay.

0
Tuesday May 19, 2020 - 18:46:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanbalyo Tareenka Shacabka Ee Haŕgaysa ka Dhaqaaqay.

    W/Q : Mohamed Ahmed Warsame ( Suldaan Maslax)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q : Mohamed Ahmed Warsame ( Suldaan Maslax)

ugu Hoŕeen waxaan hanbalyo iyo Bogaadin udirayaa 100% ah soona  dhoweynayaa dhalinyarada ,  Aqoonyanka  iyo waxgaradka ku dhawaaqay  BAAQ SHACAB .



30 sàno ee la soo dhaafay bay dhalinyaradu ku Noolayd udanayn shaqsi iyo udulqaadasho dulmi baahay iyo dugsiga qabiil aan waxba u tareen waqti uu ka lumiyo mooyee .

 

waxaa wax lagu farxo ah in dhalinyarada somaliland iyagoon qabiil ,Xusbi  iyo dan gaar ah midna mideyn ay maanta u midoobaan oo ay gamcaa isu qabsadan  uďanaynta dalka , dadka iyo  ka shaqaynta  Danta guud  .

 

waa hubaal in haddii dhalinyaradu mideeyaan caqligooda , cilmigooda iyo cududooda hadaf cadna ayleeyihiin  ina guùlka gaadhayaan.

waxaa aduunyada isbedlo ka dhacay waxaa hormuudka ahaa dhalinyaro haday tahay kuwii gumaysi iska kicinta iyo haday tahay  mid Rajiim lagu ridaaýbo ,

quwadda iyo awooda dhalinyaro waxaa Tusaale inoogu filan  kacdoonadii carabta.

 

Haddii dabayluh dhaafaan xaddigooda caadiga ah waxay Noqaan Duufaano , waxkastoo ka soo horba xana  wey burburiyaan .

Haddii Roobku dhaafo xaddigiisa Roobnimo waxaa ka dhasha fatahaado saameeya dal iyo Qaarad dhan .

Dhalinyaraduna waa sidaas oo kale oo haday kacaan ma jiraan wax is hortaagi karaa ilaa ayka gaadhaan hadafkii ay lahaayeen ,

Dhibkasta oo Timaadana wey u dhabar adaygaan.

 

waxaan arkaayey dhalinyaro ka cabanaysa in Aanay ku jirin Baaq Shacab laakiin sheegay in Laga been Abuuray .

Horta  marka horre waxaa maanta ceeb kugu ah adigoò dhalinyaro ah inaad ka soo horjeesato BAAQ SHACAB   oo loogu danaynaayo danta dalka iyo dadka  iyo Badbaadinta mustaqbal umadeed.

Runtii waana wax iska caadiya Tareenka guushu markuu dhaqaaqo in qofba meelkaga dego oo ay ku soo hadhaan oo keliyah inta leh adkaysi, hawl karnimo, geesinimo iyo kalsooni shakhsinimo.

 

BAAQ SHACAB macnihiisu maaha in somaliland lagu burburinaaýo ama laga soo horjeedo  waayo dhalinyaradii iyagaa somaliland cidkasta ka jecel oo cidna kumaydin ,cidna iskumay dirin  xumaan , xaasidnimo, mùnaafaqna ka mayshaqayn gobolkasta iyo Degmo kasta oo Somaliland ah oo ay tagaan Amnigooda werwer kama qabaan.

laakiin sababta keentay Baaq SHacab waa  ku tumashadà shaŕiga, ku Tarkifalka awooda ,  urursiga hantida dadweynaa,  iyo laalista iyo tuuris heshiiskii iyo Cahdigii umadeed.

 

Tareenka Halganka shacab ee Hargaysa ka dhaqaaqay marlabaad baan hanbalyeynayaa.

kolay mucaaradkiinu waa badanayaa hadaynoqoto kuwo  kursi ilaashanaaya, Kuwo xilsuge ah , afku xoogle jeebka loobuuxiyey,  kuwo cunista hantada umaddu meel wanaagsan umarayso ,

kuwo uhaysta in ay Somaliland dadka ka xigaan iyo kuwo kuraasida bilaa sharci ugu fadhiya oo isu haysta wed oo ka qaada mooyee in aan laga bedli karin.

 

intaas waxaa sii dheer kuwo iminka idinka tirsan oo markuu arinku adkaado oo  xitaa xadhig iyo is qabqabasho la isla gaadho  idin Niyad jebin doona oo odhandona waanu ka tanaasulnay laakinay idinku marnaba ha ujoojina culayska kasta iyo dhibkasta oo idin soo wajahda.

waayo waxaad badbaado utihiin mustqabalka mustaqbalka 100 sano ee soo socda .

 

guul guul bahda BAAQ

SHACAB

W/Q : mohamed ahmed warsame ( suldaan maslax)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...