Xasuus Qorkii 18 May 1991

0
Tuesday May 19, 2020 - 18:36:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasuus Qorkii 18 May 1991

    "Xuska may usoo baxa Xurmeeyoo dabaal dega"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xuska may usoo baxa Xurmeeyoo dabaal dega"

Waxanu joognay magaalada hargeisa Maalintaas 18may 1991 intii ka horraysay dadku waxay u dhegtagayeen oo si wayn loo sugayay dhawaaqa shirka burco ka iman doona kollaba dadku may liqi karayn haba yaraatee wax ka sokeeya gooni isu taag lakin waxa la is waydiinayay oo keliya magaca lala bixi doonaa tolow waa kee ma North Somalia,ma Somaliland baa iwm.



Magaalada Hargeisa way wada bur bursantahay,aqalladu way wada daloolaan sakadda dheer koone illaa koone way isu dalooshaa.jiingadaha googo’an,faliidhka madafiicda, bir qalaxda daadsan,baabuurta gubatay ee bes beeshay daaqa iyo cawska ka baxay guryaha dhexdooda,miinada quban iyo qiiqa iyo gubanka meel kasta ka muuqda lama qiyaasi karo xatta lafaha dadka ayaa meel kasta loogu gelayay, dadku waxba ma haystaan xatta Hotel hagaagsan oo cunto laga cunaa magaalada kama furna marka laga reebo cooshado lagu karinayo qamaddi mooyee.

 

Sidaas oo ay tahay haddana dadku aad ayay u faraxsanyi hiin waxa ka muuqatta rayn rayn maadaama Ciidamadii siyaad barre la jebiyay oo dhulki xor yahay qof kastaans gurigiisii halkii uu ahaa xaadh xaadhanayo, waxa la aaminsanyahay in la noolaan karo.wixi dumayna yeelkii dadka qaar ayaa xattaa ciidda dooxa Hargeisa  madaxa iskaga shubaya iyagoo leh Alxamdulilah,qaar kale Salaatul shukri ayay tukanayeen.

 

Maalmahas waxan ka shaqo gallay xafiis ay furteen Urur la odhan jiray SORRA oo ku yaallay halkan ay imika tahay Wasaaradda caafimaadku,waxa madax ka ahaa Yuusuf Kirix Cawad waxanu ahayn illaa 50 qof oo rag iyo dumar leh waxa naloo dhiibi jiray foomam waxa nalu yidhi magaalada soo tiro kooba Guryaha dumay oo guri kasta oo aad aragtaan foomka ka buuxiya haduu wada dunsanyahay 100% iyo haddii ay wax ka nool yihin howshaas oo ahayd runtii howl aan cidna qaban Karin lakiin duhurkii ayunbaanu soo xaroon jirnay annagoo aan bir iyo bes toona doonayn oo daallay,sidaas ayaanu ku wadnay dhowr bilood.

 

Aan u imaado maalintii waynayd 18 may 1991kii oo aanu in badan sugaynay  Maalintaas waxa ay radio Hargeisa dadka ku wargeliyen inay gunaanadka shirka burco ka socda soo gudbin doona n sidas darted qof kastaa meeshii Radio nooca (National Panasonic) uu ka heli karayay  ayuu hoosta ka galay.maadama aany jirin TV iyo meelo kale midna e.si halkaas ugala socdo Radio Hargeisa oo dirqi ku shaqaynaysay iyo BBC

 

Wax la sugoba abaara 5;00 galabnimo ayaa shirkii toos u soo galay  waxa naloo sheegay go’aamadii shirka In dagaalkii iyo burburkii dhacay ka dib ay beelaha Somaliland dibu heshiisiin dhaba ay kala saxeexdeen isla markaas in laga bilaabo maanta oo ah 18may 1991dib loola soo noqday Xorriyaddii iyo magacii dalkani lahaa ee la odhan jiray Somaliland sidaas darteed in maanta laga bilaabo uu dalkani noqon doono Jam Somaliland waxana xukunka hayn doona SNM muddo laba sano ah sidaas dareted waxa Madaxweyne sii ahan Doona C/raxman Axmed Ali iyo Xassan ciise jaamac oo ahaa Guddomiyihi iyo ku xigenkii Jabhaddii SNM lagana rabo inay mudadas doorasho ku gaadhsiiyaan dalka dib loogu celiyo xukunka umadda Somalilan d guud ahaan dadkii taageri jiray SNM iyo kuwii ka soo hojeeday guud ahaan.

 

Markaas ayaa sacabku la isla oogsaday Rasaastii iyo damashad ayaa cirka loo ridayay,lama kala eegayn Madfac,Suug iyo Ak midna cirka ayaa wada casaaday ilaa saqdii dhexe rasaasta way socotay ,gawaadhida tiknikada ahi iyagoo laamiga yaacaya ayay faraqayeen waxay rasaas hayaan waxayna sababtay rasaastii habeenkii la ridayay in ay dhowr qof haleeshay oo ay dishay meelo kala duwan oo magaalada ah,dadka qaarkood ayaa farxad la ilmaynayay.

Manta oo laga joogo 29sano oo loo dabaal degayo sannad guur adii 29aad ee 18 may waa farxad dadkuna way ka soo doogeen dhibaatooyinkii,adduunku ma dhamado oo dad wax tabanayaa mar kasta way jiraan anigaygan wax qoraya xatta ha ahaatto e haddana qaranimada laguma doorsan karo wax kale.waxana loo bahanyahay samir iyo halgan kale in lagu soo dhiciyo ictiraafka oo aan laga niyad jabin xattaa 100 sano hadday tahay waayo dadku iyagaa yoolkooda gaadha,iyagaana dadku is ictiraafa ogow waxad qabsato ayunbuu caalamku kugu qiimaynayaa.cid qado bilaasha bixisaa ma jirto adduunka.

 

 

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...