Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Wararkiisa Laga Mamnuucay In Lagu Faafiyo Warbaahinta Ku Hadasha Afka Maamulkaas

0
Tuesday May 19, 2020 - 16:14:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Wararkiisa Laga Mamnuucay In Lagu Faafiyo Warbaahinta Ku Hadasha Afka Maamulkaas

    Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Wararkiisa Laga Mamnuucay In Lagu Faafiyo Warbaahinta Ku Hadasha Afka Maamulkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Wararkiisa Laga Mamnuucay In Lagu Faafiyo Warbaahinta Ku Hadasha Afka Maamulkaas

Hargaysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida Puntland Tv iyo baraha internetka.


Arintaan ayaa loo sababeynayaa inay qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, khilaafkaas oo ka dhashay xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeyay sarkaal katirsan madaxtooyadda.
SAWIRRO:-Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Kulan Kula Qaatay ...

Xayiraada wararka madaxweyne ku xigeenka waxay kasoo bilaabatay kadib markii la joojiyay ama laga saaray baraha warfaafinta maamulka tacsi uu ka diray dilkii guddoomyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur.

Mas’uuliyiinta madaxda ka ah xarumahaas warbaahineed wax faallo ah kama bixin sababta madaxweyne ku xigeenka wararkiisa loo mamnuucay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay arrintaan dhacdo, balse waa arin soo laalaabata mar walba oo ay isqabtaan labada masuul ee ugu sarreeya Puntland.

Arinta kale ee xusida mudan waxay tahay in Axmed Karaash uu sameystay bog baraha bulshada ah oo wararkiisa lagu faafiyo, waana markii ugu horreysay oo ay dhacdo in madaxdu kala yeeshaan laba warfaafineed.

Inastoo ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka mas’uuliyiinta Puntand, balse wax natiijo ah kamasoo bixin.

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...