Warbaahinta Dalka Uganda Sidee Ayey Wax Uga Qoreen 29 Guurada Dib Ula Soo Noqoshada Madaxbannaanida Somaliland

0
Tuesday May 19, 2020 - 16:04:49 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Dalka Uganda Sidee Ayey Wax Uga Qoreen 29 Guurada Dib Ula Soo Noqoshada Madaxbannaanida Somaliland

    Warbaahinta Dalka Uganda Sidee Ayey Wax Uga Qoreen 29 Guurada Dib Ula Soo Noqoshada Madaxbannaanida Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Dalka Uganda Sidee Ayey Wax Uga Qoreen 29 Guurada Dib Ula Soo Noqoshada Madaxbannaanida Somaliland

Hargeisa(HWN):-Warbaahinta dalka Uganda ayaa wax ka qoray Sannad guurada 29aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkii 1991kii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco, taasi oo shalay looga dabaal-degay dalka.


Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu qoray Warsidaha East Africa Business Week, kaasi oo ciwaan looga dhigay "Somaliland waxa ay u dabaal-degtay 29 guuradii ka soo wareegtay madaxbannaanideeda.” Waxaanu East Africa Business Week sheegay in xannuunka Covid 19 ee caalamka faraha baas ku hayaa uu saameeyey xusaskii waaweynaa ee Jamhuuriyadda Somaliland ku muuneyn laheyd Munaasibadda 18ka May.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in 18ka May ay Somaliland u tahay maalin ay qiimeyso waxyaabaha u taabogalay, isbeddelka caqabadaha dalkan curdinka ahi uu waajahayo, isla markaana laga hadlo qorsheyaasha mustaqbalka si uu horumar iyo barwaaqo ugu naaloodo muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay.


Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray in Xuska 18ka May uu yahay maalin la muujiyo midnimada Somaliland iyo Hadafyada guud ee dalka.
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa u sheegay Wargeyska East Africa Business Week, in Somaliland ay si aan kala go’ laheyn caalamka uga dalbanayso in loo aqoonsado dal madaxbannaan.

Waxa kaloo Wasiir Sacad tilmaamay inkastoo aanay Somaliland deyn ka helin baanka Adduunka, haddana ay wax ka qabato baahiyaha dadkeeda.
East Africa Business Week waxa uu xusay in Somaliland laga furay sannadkii 2012kii Wershada Coca Cola oo noqotay maalgashiga ugu ballaadhan ee ganacsiga gaarka loo leeyahay tan iyo markii Somaliland ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, waxaanu xusay in wershada sharaabka SBI lagu maalgeliyey 17 Milyan oo Doolar.

Waxa kaloo uu ka hadlay Shirkadda Dahabshiil ee Somaliland oo uu ku sifeeyey horyaalka xawaaladaha lacagta ee Afrika, taasi oo ka shaqeysa 150 dal oo caalamka ku yaalla.

Sidoo kale, Shabakadda Eagle Online ee dalka Uganda ayaa daabacay qormo dheer oo lagu faahfaahiyey sooyaalkii siyaasadeed ee marxladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay gaar ahaan xiligii ay ahayd mustacmaradii Ingiriiska, dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka iyo khasaarihii Somaliland kala kulantay midowgii lagu hungoobay ee ay la gashay Soomaaliya. Waxana qormadaas qoray Ismaaciil Yuusuf Aadan oo ka qalin jabinaya Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaanu ku iftiimiyey inay Somaliland tahay qaran istaahila in la aqoonsado isla markaana ay dhammaan buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax-bannaan.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...