Talo adigaa kunool (W,Q Saciid Xashi daahir saciid-dhagacade)
Waxan rabaa inaan kuhormaro marka hore dhibaatada dhan.walba leh
Iyo daga naan la.aanshaha guud Ee dadka deeganka haysata? Waxa sababay
Dadwaynaha caqabadaha haysata ayaa ah inaysan lahayn odayaal dhaqan oo masiirka Beesha iyo deegaanka u Jan gooya sida siyaasada ladhaqanka beelaha iyo mamulkasta sida DFS amse Kan Galmudug
@Markay saas tahay
Waxaa kafiidaystay booskii odayaasha ama dhaqanka beesha ee banaanaaday
Shaqsiyaadka siyaasiyiinta ee beesha sida aan dhamaan teen wada ogsoonahay
Siyaasigu waa Deelay (danleey)
Waxuuna fursadaan ay maanta haystaan uga faaiidaysteen
Danahooda gaarka
Sida inay marka ay xilka rabaana ay dadka uga horkeenaan
Madaxda markaas meesha joogta
Marka ay xilka ama Dantooda gaarka helaana
Dadwaynaha usheegaan in madaxda joogta ay yihiin kuwa dunida ugu wacan
Sidaan lawada socono deeganadeena waxaa in badan kusoolaab laabtay dagaalo ay gadaal kajoogaan siyaasiyiin oo halkaas aan kuwayney dad nagu qaali ah
Waxaan indhaheena ku aragnay
Wiiil iyo abtigiis oo isdilay
Wiiil iyo hoyadiis oo isdilay
Labo hooyo wadashahay oo isdilay
Labo sxbo ah oo kala irdoobay
Kaagaabaa siidarane siyaasiyiintu waxay nookala baxsheen
Magacyo si aan ukala irdoowno
Dadkii shalay isku haybta iyo isku jufo hosaadka ahaa
Sida sufo isbahaysi iyo kuwo kale oonan garanayn
Talo soojeedin
Odayaasha dhaqanka iugaasyada Beesha iyo salaadiinta
waxaan usoojeedinayaa
Taladaan
1; in lasameeyo gole odayaal oo talo wadaag ah oo umada masiirkeda iyo meesha ay ujahaysanayso qaabeeya Loogana danbeeyo tala ayaga oon cidkale talo gaar ah gaarikarin
Hadii Maamul lagamid noqonayo iyo mid madax banaan haday beeshu samaysanayso iyo Hadii DFS Hosjogayso intaba
Waxaa taladaas iyo go aan kaas leh waa dhaqanka beesha
2: dhalinta maanta ee beesha mid magalo jooga iyo mid miyi" jooga waxaan kulatalinayaa Inuusan Walaalkiis dhiigiisa uu kanabad golo oo maanta waxa aan awoodeenu tahay ayaa ah inaan nafteena ka badbaadino halaaga adunyo iyo midka aakhiriba dhalinyaro kaqayb qaado wax kasta oo hormarka deegaanka ah balse marna ha isku dayin in laguu adeegsado walaalkaa dilikiis iyo dhibaatayn tiisa
Dhalinyaro ogaada waxa lagu ciyaarayo waa mustaqbalkkiina taas ah inaad tahay hogaanka bari
Sidaas darteed si aad meel qurxuun uhogaamiso
Maanta walaalkaa badbaadi "ee hadilin walaalkaa ?
3: Siyaasiyiinta waxaan oran lahaa hakafaa'iidaysinina
Jaaniska aad hesheen ood ukala cirdaysayn dad isjecelaaa
Ee maanta uga faaiidaysta inaad isku Keentaan iskuna jeclaysiisaan waad awoodaan wayo shalay idinkaa kala cirdeeyay una kala baxshay magacyo
Maantana idinkaa hal magac Ooy horay ulahaayeen ubixin kara
Hadaad taladaan qaataan siyaasiyiinow waxaad ogaataan In alle hortiis ajar iyo danbi dhaaf aad horay ugu gasheen bari magaytada iyo dhibanayasha manta aad helaysaan
Sidookale aad ogaataan booskiina oo inaad oday dhaqamedka iyo bulshada way diisataan xilalka waayo ayaga ayaad matalaysaa amse xilka uhaysaa
Saddex waa mugdi, saddex waa u miciin, saddex baa ka macaan, saddexna waxba uga dan ma’aha.
· Abaar waa mugdi
· Caws waa u miciin
· Doog baa ka macaan
· Nimaan xoolo lahayna waxba uga dan ma’aha.
· Colaadi waa mugdi
· Ergo waa u miciin
· Nabad baa ka macaan
· Nin dhintayna waxba uga dan ma’aha.
· Habeen waa mugdi
· Caddo waa u miciin
· Maalin baa ka macaan
· Indhoolana waxba uga dan ma’aha.
W,Q Saciid Xashi daahir saciid-dhagacade
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!