Jig-jiga: Guddiga Xakamaynta Faafitaanka Coronavirus Oo Xidhay Meherrado Ganacsi

0
Tuesday May 19, 2020 - 11:18:58 in News by
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jig-jiga: Guddiga Xakamaynta Faafitaanka Coronavirus Oo Xidhay Meherrado Ganacsi

    Jig-jiga: Guddiga Xakamaynta Faafitaanka Coronavirus Oo Xidhay Meherrado Ganacsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jig-jiga: Guddiga Xakamaynta Faafitaanka Coronavirus Oo Xidhay Meherrado Ganacsi


Guddiga ka hor taga faafitaanka caabuqa Coronavirus ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa qaaday tallaabooyin ad-adag oo lagu soo rogay bulshadda gaar ahaana meheradaha Dharka lagu iibiyo.




Waxaanay guddigu go’aamo culus ka soo saaray sidii bulshadu u kala fogaan lahayd inta lagu jiro u diyaar garowga ciida Fidriga ee soo foolka leh.


Komishan-neerka ciidanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Jig-jiga ayaa ka hadlay tallaabooyinka ay ciidan ahaan qaadeen ee ku waajahan ka hor taga faafitaanka Coronavirus.


Waxaanu sheegay komishan-ner Maxamed Cali Xasan, in ay saaka xidheen meheraddo ganacsi oo diiday amarkii ay soo saareen, kadib markii guddiga ka hor taga Coronavirus ee dawlad deegaanku ay shirk a yeesheen.


Loading...
Loading...