Wadan Ku Guulaystay Inuu Daweeyo Dhamaan Dadkii Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

0
Tuesday May 19, 2020 - 11:12:35 in News by
  • Visits: 1752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadan Ku Guulaystay Inuu Daweeyo Dhamaan Dadkii Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

    Wadan Ku Guulaystay Inuu Daweeyo Dhamaan Dadkii Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadan Ku Guulaystay Inuu Daweeyo Dhamaan Dadkii Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus


Bukaankii ugu dambeeyay ee Cambodia ayaa laga daweeyay fayraska corona waxaana laga saaray isbitaalka, taasi oo dalkaasi ka dhigtay dal aanay haatan jirin qof qaba fayraska corona.

.


Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in qofkan ugu dambeeyay ee ka dawoobay xanuunka ay ahayd haweeney 36 sano jir ah oo ka timaadday gobolka Banteay Meanchey, taasi oo ku jirtay isbitaalka Khmer Soviet Friendship ee magaalada Phnom Penh.


Muuqaal laga soo duubay haweeneydan 36 jirka ah ayaa muuhinyay iyadoo isbitaalka ka sii baxaysa waxaa muuqaalka laga baahiyay Telefishinka Qaranka Cambodia.


Dalkaasi ayaa waxaa uu xanuunka fayraska corona soo ritay 122 mana jirin qof qudha oo u geeriyooday fayraskan dunida halakeeyay.


Balse saraakiisha ayaa ka digtay ineysan marnaba khafiifin doonin xayiraadihii fayraska corona awgii loo soo rogay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen iskuulada la xiray, baaritaanada lagu sameynayo dadka ka soo tallaabo xudduuda iyo karantiilka.


12-kii April ayay ahayd markii ugu dambeysay ee kiis cusub laga soo sheego dalkaasi. Tan iyo bishii Janaayo waxaa dalkaasi baaritaan lagu sameeyay 14,684, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.


Wasiiirka Caafimaadka Mam Bunheng ayaa dadka ku booriyay iney feejignaadaan oo ay kala fogaanshaha bulshada ilaaliyaan.


Waxaanu umaleyneynaa in intabadan kiisaska ay ahaayeen kuwa la soo dhoofiyay, marka sidaa darteed waa inaan ka taxadarnaa oo aanu baaritaanada baraha koontaroolka sii kordhinaa,'' ayuu yiri wasiirka caafimaadka Mam Bunheng.


''Dadka safarrada ka yimaada ee dalkeena soo galaya waa iney wataan warqad caafimaad oo muujineysa ineysan qabin fayraska corona, markaasi kaddib ayaa loo ogolaanayaa iney gudaha usoo galaan Cambodia. Marka ay soo galaana waxa ay galayaan muddo 14 maalmood oo karantiil ah,'' ayuu yiri wasiirka.


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...