Somaliland Oo Uu Xanuunka Coronavirus Ku Soo Faafayo Iyo Kiisaskii Ugu Dambeeyey Ee La Xaqiijiyo

0
Tuesday May 19, 2020 - 01:24:35 in News by
  • Visits: 1801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Uu Xanuunka Coronavirus Ku Soo Faafayo Iyo Kiisaskii Ugu Dambeeyey Ee La Xaqiijiyo

    Somaliland Oo Uu Xanuunka Coronavirus Ku Soo Faafayo Iyo Kiisaskii Ugu Dambeeyey Ee La Xaqiijiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Uu Xanuunka Coronavirus Ku Soo Faafayo Iyo Kiisaskii Ugu Dambeeyey Ee La Xaqiijiyo


Hargeysa(HWN):-Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo bulshada la wadaagaya warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka koofidh-19 ayaa sheegay in laga helay 18 qof, hal qofna uu u geeriyooday xannuunkaasi.




Wuxuuna agaasimaha guud ee caafimaadku sheegay inay ka kooban yihiin sagaal rag ah iyo sagaal dumar ah, isagoo intaas ku daray in dadka laga helay xannuunka karoona fayras ay shan iyo toban ka mid ahi ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa, halka saddexda qof ee kalena ay kala joogaan Burco, Boorama iyo Oodweyne, iyadoo 17 qof oo dadkaas ka mid ahi ay yihiin muwaadiniyiin Somaliland u dhashay, halka qofka kalena uu yahay ajaanib u dhashay dalka Bangaladheesh.


Wuxuuna sheegay agaasimuhu in dadkii la baadhay 24 saacadood ee u dambeeyey ee ay dadkaasi ka soo baxeen ay ahaayeen 40 qof, iyadoo dhimashadana uu ku kordhay hal qof, taas oo guud ahaan tirada dhimashada ka dhigeysa 9 qof, halka tirada laga helay xannuunka koofidh-19, gudaha Somaliland ay noqonayso 121 qof guud ahaan.


Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku waxa uu bulshada kula darddarmay inay ka taxadaraan hababka uu xannuunkani u faafo oo ay kala fogaadaan gaar ahaan dadka cuna jaadka, iyo kuwa iibiyaaba si loo ilaaliyo badqabka bulshada.

Loading...
Loading...