"Midnimada Soomaaliya Kuwii 1960-kii Keenay Baannu nahay, Ta immikana Horseedka u noqon doona.." Boobe

0
Monday May 18, 2020 - 17:14:30 in News by
  • Visits: 4684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Midnimada Soomaaliya Kuwii 1960-kii Keenay Baannu nahay, Ta immikana Horseedka u noqon doona.." Boobe

    "Midnimada Soomaaliya Kuwii 1960-kii Keenay Baannu nahay, Ta immikana Horseedka u noqon doona.." Boobe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Midnimada Soomaaliya Kuwii 1960-kii Keenay Baannu nahay, Ta immikana Horseedka u noqon doona.." Boobe


Hargeysa(HWN):-Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayey Halgankii SYL iyo SNM, ayaa talooyin badan oo muhiim ah soo jeediyey, isla markaana sheegay inay Dadka Somaliland horseed u ahaayeen midnimadii burburtay ee 1960-kii ay isku raaceen Soomaalidii Ingirkiiska xornimada ka qaadatay iyo Soomaalidii Talyaaniga xornimada ka qaadatay, ta immika la doonaya ay Somaliland horseed ka noqon doonto, balse loo baahan yahay in sixitaan lagu sameeyo xadhkaha midnimada ee Muqdisho laga tumayo.

Boobe Yuusuf Ducaale Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay ...


Boobe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa taariikh dheer ka sheekeeyey, isla markaana talooyin u jeediyey Soomaalida, isaga oo ka warramay sidii ay ku timi midnimadii Soomaaliya, sida ay ku burburtay, waxyaabaha qaldamay iyo waxyaabaha sixitaanka amma dib-u-eegista u baahan wakhtigan.


"Innagoo arkayna xaaladda maanta ka taagan (Soomaaliya), in lagu dhawaaqo midnimo, wax meesha qabtay maaha. Markaa, waxaannu u sheegaynaa Soomaaliya in 1960-kii midnimadii iyo is-raacii dhacay ku dhaceen si yar oo fudud oo keentay burburka maanta taagan, sida dib la isugu aamminaana ay adag tahay, intaynu arkayno waayaha ka taagan Soomaaliya iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin Dowlad-goboleedyada.” ayuu yidhi Boobe.


Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlaya cidda xilliganna midnimo Somaliland iyo Soomaaliya dhex-marta keeni karta, waxa uu yidhi; "Midnimadu noqon mayso mid dadka qaar lagu khuukhiyo, kollay annagu kuma jirno Dadka lagu khuukhinayo midnimada, ee kuwii tii hore keenay baannu nahay, ta immikana horseedka u noqon doona. Laakiin, xadhkaha laga garaacayo Xamar kuwo midnimo keeni kara maaha ee dib halla isugu noqdo oo waayaha lagu nool yahay wax lagaga baxo hallala yimaaddo.”

Loading...
Loading...