Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Qorshaha Ay Soomaaliya Dawooyinka Ku Keenayso Sool Iyo Sanaag

0
Monday May 18, 2020 - 16:56:23 in News by
  • Visits: 2473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Qorshaha Ay Soomaaliya Dawooyinka Ku Keenayso Sool Iyo Sanaag

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Qorshaha Ay Soomaaliya Dawooyinka Ku Keenayso Sool Iyo Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Qorshaha Ay Soomaaliya Dawooyinka Ku Keenayso Sool Iyo Sanaag


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa jawaab ka bixisay dhawaaq ay dawlada Soomaaliya ku sheegtay inay gargaar caafimaad gaadhsiinayso gobolada Sool Iyo Sanaag.


War saxaafadeed ka soo baxay guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ee somaliland ayaa lagu sheegay in somaliland oo dagaal kula jirta faafitaanka xanuunka Coronavirus si ay u badbaadiso nafaha shacabka isla markaana ay u gudbinayso xogta ku saabsan xanuunkan ay cadaawad kala kulmayso dawlada federaalka ah ee soomaaliya.



Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wasaarada caafimaadka soomaaliya ay faafinayso warar been abuur ah oo ku saabsan xogta dhabta ah ee ka jirta soamliland taas oo ku saabsan xanuunka Coronavirus.


Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay inaanay sax ahayn in wasaarada caafimaadka dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay qalab caafimaad oo ka hortag ah keento gobolada sool iyo Sanaag ee somaliland iyada oo lagu eedeeyey inay hab masuuliyad daro ah xog qaldan uga gudbiyeen tirada kiisaska xanuunka Coronavirus ee laga helay somaliland.


Warsaxaafadeedka ka soo baxay somaliland, halka hoose ka akhriso

Image may contain: text

Loading...
Loading...