Badhasaabka Gobolka Sanaag Amar Deg Deg Ah Faray Cuqaasha Laba Beellood Oo Gobolka Wadda Dega

0
Monday May 18, 2020 - 16:48:32 in News by
  • Visits: 1691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Sanaag Amar Deg Deg Ah Faray Cuqaasha Laba Beellood Oo Gobolka Wadda Dega

    Badhasaabka Gobolka Sanaag Amar Deg Deg Ah Faray Cuqaasha Laba Beellood Oo Gobolka Wadda Dega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka Sanaag Amar Deg Deg Ah Faray Cuqaasha Laba Beellood Oo Gobolka Wadda Dega


Ceerigaabo(HWN):-Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay cuqaasha laba beelood oo gobolkaasi dega in ay 20-ka bishan iska soo xaadiriyaan magaaladda Ceel-Afweyn.

Xaalad Deg Deg Ah Oo Na Khusaysay May Jirin, Caare-na Wuu ...


Waxaanu sheegay in caaqilkii ka maqnaada ama iman waaya Ceel-Afweyn in aanay u aqoonsan doonin caaqil ay kula xisaabtamaan arrimaha beeshiisa.


Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), oo maanta warbaahinta kula hadlay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa ku adkeeyay madax dhaqameedka labadaas beelood in aanay ka maqnaanin shirkaasi.


"Waxaan halkan baaq uga jeedinayaa dhamaan cuqaasha, madax dhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Axmed Faarax, iyo Jibriil Xasan.


Waxaa laga doonayaa in ay isugu yimaadaan degmadan Ceel-Afweyn gudaheedda”ayuu yidhi tiimbarro.


Geesta kale badhasaabka gobolka Sanaag waxa uu ku adkeeyay madax dhaqameedka in ceel-Afweyn uu ka dhici doono shir muhiim ah.


Waxaanu yidhi, "Caaqilkii la waayaa, ha ogaado in aanu beeshiisa u ahaan doonin caaqil danbe. Una ahaanaynin masuul aanu anagu hadhow wax waydiino. Hadhow ayaanay cidina naga eed sheegan.


Waxaan idin farayaa in aad isugu timaadaan degmadda Ceel-Afweyn oo shir muhiim ahi ka jiro”.


Dhinaca kale cuqaasha labadan beelood ee uu baaqa u diray badhasaabka Sanaag oo wada dega deegaanka Ceel-Afweyn ayaa dhawaan waxaa dhex maray dagaal khasaare sababay.


Sidoo kale lama oga ujeedadda dhabta ah ee shirkaasi xiligan keentay, maadaama oo aanu badhasaabku cadaynin waxa uu ku saabsan yahay iyo qodobadda lagaga wada hadli doono.

Loading...
Loading...