Axmed Madoobe oo ka qeyb-galay Shir ay soo qaban qaabisay QM

0
Monday May 18, 2020 - 16:29:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo ka qeyb-galay Shir ay soo qaban qaabisay QM

    Axmed Madoobe oo ka qeyb-galay Shir ay soo qaban qaabisay QM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Madoobe oo ka qeyb-galay Shir ay soo qaban qaabisay QM


Image may contain: 1 person, sitting, table, screen and indoor


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah Geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan.

 

Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada USA, UK, Norway, Sweden , Germany Kenya, Itoobiya, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka #Covid19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar kamid ahna ay u dhinteen waxaa kale oo lagaga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda.

 


Loading...
Loading...