Geeriddii 18May Baa Loo Dabaal-Degayaa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday May 18, 2020 - 14:09:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeriddii 18May Baa Loo Dabaal-Degayaa ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.


Gobalan tallo aduun-yooy, nina tii ma gaadhee, gol-daloola hoosiyo, god-god lagama waayee! Waa iska nasiib, in maanta oo ay ka soo wareegtay 30 sanadood, ayaantii ay mujaahi-diintii dhabta ahayd, ee SNM dhiiga u soo daadiyeen, in xabaasheedii durbaan laga dul tuntaa saaka,waa nasiib daro aad u weyn oo inagu habsatay, denbi-geedana aynu inaku leenahay, waayo geeri-deeddii in loo dabaa-degaa waxa keenay wakhtiga. Wuxu yidhi Tima-cade (Ihun) "Dambar-keedi maan-deeq, nimaan doonin baa dhamaye" waa runtii oo kuwii laga ilaalin jirey, meela aan u soo marin, laxooxdda ka dubi jirey Xarshin iyo Habuura, loogu heesaayey " Markay higtu yeedho, habuura u yaaca, adoo herer jooga, hargeysa xoreynta, mujaahid hagaasan, markuu la hadlaayo, Hamaansi libaaxle,Tolaay Habar yoonis, abtiyaal hub i siiya" baa waa sareeye-hooseeye, siddii awr gulaan ah ka dul guuxaaya. oo raq-deeddii laba-dible habar dugaag ugu xidhay, geeri go'an cidla ah oo aan ciirsi lahayn.



Waxa-se hore loogu maha-maahay " Meel aar ka kacay, atoor fadh-fadhiisaye" Sidda galaw-ga habeenkii markuu sanqad maqlo ku soo beegan, fulaynimo daraadeed ka hor boodi jirey, kuwii noocaas ahaa waa " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximane" oon weligood-ba awr-koodda lagu guurin, baa waa halkaas " Timacade uu sheegaye" Maantana iilka dhinca u dhigay, oo weliba bilaa kafan inta lagu aasay ku dul ceeshaaya "Meyd-keeddii" iyaba waa yaabe akhristaw, oo xataa aan la maydhin. Raggii-ragga ahaa kaa shalay shahiiday  " Muj Xasan Guure" baa ugu dambeeyey intii tii alle ku timi (illaah naxariis-tiisa ha ka waraabiyo'e). Aabihii xoreeyey dalku wuxu ahaa Abdiraxmaan Axmed cali, Geesiyaddii dhiiga u qubay ee ku soo naf waayey-na, inta aan xasuusan karo, Waa Lixle, Koodbuur,Maxamed Cali, Otto Biixi, Koosaar, Aadan Cade,Harag-waafi, Ina Saleebaan Weyne, Maxamed Mooge, Ina Macalin Haaruun, Xandule, Jama cali Jama, libaaxo, Ibrahim layla, Maxamed Dheere, Xasan kayd, Ina Habane iyo qaar kaloo badan Rabbi janadda fardawsa ha ugu deeqeee.


Inta Noola ee kolay aan ka sii xasuusa-nahay (Illaah caafimaadka haw kordhiyee, waxa ka mid ah Cabdiraxmaan Aw cali ( Laba Tole), Ibrahim dhego-weyne, Axmed Mire, Cabdiraxmaan maxamed Case, Talaate codle iyo midh-midh meela-haas ku silcaaya, Waa duni aakhir sabaane, imika waxa ku ceesha, oo basaday magacii mujaahid, kuwii malkha-badda haweenka xidhan jirey iyo dirica, ee aan wax loo diran jirin, kolka uu rag is hayo " Waa labadda aan kor ku soo sheegay iyo Cali gureye. Mase la yaabi maayo, waayo xikmad ah afka " Ingiriisiga baa  waxay tidhaahaa "Every dog has a day" oo micna-heedu yahay "Ey waliba ayaan buu leeyahay" waa iska sidaase, waa kuwaas ina hor fadhiya "Doofaar-diqle iyo dameer"aan weli-good lagu guurini. Ugu dambayn waxan ku soo shakaalay qoraalkan, Somaliland wax la yidhaahaa, oo loo dabaal degaa maanta ma jirto, wakhtigan isaga ah waxa lagu shaqaystaa magaceeddii, oo ummadadlagus ii baadhaa, laakiin wax jira maaha, waxa ugu dambaysay, Illaah caafimaad ha siiyo'e intii " Madax-weyne Siilaanyo" uu bed-qabay, markii dambe waa kii noqday nin buka boqol u talisaye, Ee Maxamuud beenaale ( waa ka aad ugu yeedhaan Maxamuud Xaashiye) uu shidka u galay, Bal In aan la inoo il-bixinayn, mid-ba-midkuu ka xun yahay baa isu kaa dhiibaaya, waa ninka dalka xaraashay siduu u dhamaa, ee xataa hawaddii siiyey Al-shabaabland, taas baa idina rajo ka sugaysaan.

* N.B Dambar-keeddi Maan-deeq Nimaan Doonin Baa dhamay!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...