Madaxweyne Deni oo shaaciyey inay u Aari doonaan dilka guddoomiyihii Mudug

0
Monday May 18, 2020 - 09:39:43 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo shaaciyey inay u Aari doonaan dilka guddoomiyihii Mudug

    Waxaa uu sheegay Deni in Xukuumadda Puntland aysan niyad jebin doonin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay Deni in Xukuumadda Puntland aysan niyad jebin doonin


Deni oo shaaciyey inay u Aari doonaan dilka guddoomiyihii Mudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darro ay maalmahaan kusoo kordhay deegaannada Maamulka Puntland oo qaarkood lagu dilay Mas’uuliyiin Sar sare.

 

Waxaa uu sheegay Deni in Xukuumadda Puntland aysan niyad jebin doonin howlaha ay bulshada u hayaan,isla markaana falalkii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal iyo Guddoomiyihii Gobolka Mudug ay dad u hayaan,isla markaana dhawaan Maxkamad la soo taagi doono.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay inay raad-joogaan hay’adaha amniga maamulka Puntland dadkii lug lahaa weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in si deg-deg ah cadaalada loo horkeeni doon, islamarkaana la toogan doono, sida uu hadalka uu dhigay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ayaa sheegay in gacanta lagu hayo raggii ka dambeeyey weerarkii lagu dilay guddoomiyii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gu’jir, kaas oo dhacay 29-kii bishii Maarso ee sanadkaan 2020-ka.


Loading...
Loading...