18 May Waa Shillin Laba Dhinac Leh Oo Mudan Labadaba In La Qirto

0
Monday May 18, 2020 - 09:23:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    18 May Waa Shillin Laba Dhinac Leh Oo Mudan Labadaba In La Qirto

    Ummad muslim ah baynu nahay oo og in Allah qalbiyada daalacdo hadday qoftay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummad muslim ah baynu nahay oo og in Allah qalbiyada daalacdo hadday qoftay
iyo hadday ummad tahayba, waxaynu ognahay haddaynaan waxa qalbigeenna ku sugan ee Allah arkayo runta ka sheegin waqtiyada aynu isu soo baxno DUCADA LA INAGAMA AQBALAYO.  markaa haddaan xaaladaha wadanka SOMALILAND is dultaago oo is idhaa run ka sheeg waxaa ii muuqanaya inay SOMALILAND tahay shilinka labadiisa dhinac. Qolyaha 30jirka ah een shilinkiiba soo gaadhin malaha waxay garan karaan dur iyo daabac. Labadaa dhinac bay SOMALILAND na leedahay. Markaa waxaa inoo wacan sannadkan sannad guurada waa inaynu ka hadalo labada dhinac ee mid yahay dib u dhac iyo taariikhda madaw ee Reer SOMALILAND ay soddonkii sano soo martay oo aan laqarin iyo barwaaqada iyo nicmada  aynu soddonkii sano soo marray oon isna la qarin. Marka labadaa xaaladood oo labaduba jiraan runta laga sheego lacala Allah inaga aqbalo ducooyinkeenna Ramadan tan haddyay shacab nay ama haddaynu Xukuumad nay haddaynu Xisbiyada nay iyo haddaynu nahay wixii la kalee mida.



Badi (bad news ) kaa la  soo horsheegaa (goodnews) kaa la dambaysiiyaa si chaper ka cusubi xagga wannaaga u noqdo.

Soddonkii sano waxaynu soo marray qabyaalad, abbaaro, dagaalo sokeeye kuwo reero sida kuwan weli socda Sannaag  dagaalo Xukuumadda iyo reero sidii dagaalkii kalshaale ee Xukuumaddu dad shacaba gummaaday, waxay nu soo marray doorasho xumo aan guurtidii oo dhagxaan iyo kuraasi is dulsaaran noqday.  Awr dambe warka hore socdkiisuu leeyahay baarlamaanka oo isna noqday bakhaar sibidha oo qoyeyba ( shacabkii oo baarlamaanka ku leh KUSIIYOO KU SAACIDAYE MAANIGAA BALHAAR SIBIDHA QOYNAAYA. HANTI BOOB AAN LA QARSANAYN , REER QUDHA OO KA QAJILIWAAYEY INAY XAFIIS KASTA  ka SOO JEESTAAN UMMADDIINA LA YAABBANTAY.  


NIMCOOYINKA AYNU HAYSANO waxaa ka mida waxaa wadankeenii ka dhacay riyadii Nebi Yusuf u fasilay boqorkii oo ahayd Todobo sano oo abaara iyo Madaxweyne Siilaanyo oo xanuun hayey todobadii sano ba iyo todoba sano oo barwaaqo ah oo Allah xilligii Muse Biixi ku Beegay waayo Allah ummadda isumuu raacin Muse iyo Abaar waayo waxba kamay HADHEEN waana maamul Alleh oo wax walba one ah.


18 May 2020 haddii reer SOMALILAND xukuumaddu run ku khubadayso oo Xisbiyadu run ku khubadeeyaan oo xukun boobkala joojiyo oo Muse Biixi  reerkuu shaqooyinka ka eryayo joojiyo oo run la isu sheego SOMALILAND wey sii dugdug layn haddii kale Imika Puntland ayaan dhaw way dhacaysaa federal ka imanaya SOMALILAND wey ku xigtaa maxaa yeelay labaduba isku si bay u dhaqmaan oo hantida ummaday boobaan oo reer baa isku koobay cashuurtii yarayd iyo sandareeradii gaaladu bixin jirtay oo waxay ka dheefaan waa saaqidnimo iyo xaaraan iyo balwado. 

M Bashe 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...