Puntland oo fasaxday Qaadka iyo isku socodka gobollada maamulkaasi

0
Monday May 18, 2020 - 09:09:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo fasaxday Qaadka iyo isku socodka gobollada maamulkaasi

    Puntland oo fasaxday Qaadka iyo isku socodka gobollada maamulkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo fasaxday Qaadka iyo isku socodka gobollada maamulkaasi




Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Puntland Dr Faarax Jaamac Xasan oo kamid ah guddiga ka hortaga COVID-19 ayaa ku dhawaaqay go’aano lagu qafiifinayo bandowgii saarnaa Magaalooyinka Puntland iyo jaadkii la joojiyey.

 

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayuu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay isku furan yihiin isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo markii hore la joojiyey sidoo kale la fasaxay keenista deegannada Puntland jaadkii la keeni jiray.

Go’aamadaan ayuu sheegay Wasiirka in looga gol leeyahay maadaama ay soo dhawdahay maalmaha farxadeed ee Ciida Bulshada MaamulkaPuntland la doonayo inay si wanaagsan u Ciidaan,sidaasina lagu qafiifiyay Go’aamadii la soo rogay.


Loading...
Loading...