Badhasaabka Sool Oo Bulshadda Ku Hanbalyeeyay Xuska 18-ka May

0
Monday May 18, 2020 - 08:41:28 in News by A. Asbaro
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Sool Oo Bulshadda Ku Hanbalyeeyay Xuska 18-ka May

    Hargeisa(HWN):-Badhasaabka gobolka Sool ayaa dhanbaal hambalyo ah u diray guud ahaanba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Badhasaabka gobolka Sool ayaa dhanbaal hambalyo ah u diray guud ahaanba

Hargeisa(HWN):-Badhasaabka gobolka Sool ayaa dhanbaal hambalyo ah u diray guud ahaanba shulsho-weynta Somaliland gaar ahaana shacadka gobolka Sool, xuska 29 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland lagu dhawaaqay awgeed.


Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa u rejeeyay guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland in dagaal-dega xuska maalinta qaran ee 18-ka May uu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabadgeliyo, barwaaqo iyo badhaadhe.


Dhambaalka hanblayadda ah ee badhasaabka Sool ayaa u dhignaa sidan, "Hambalyo dhammaanba bulshadda reer Somaliland, Xuska munaasibadda 18-ka May.

Waxaan Hambalyo u dirayaa anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca shacabka gobolka Sool ee jamhuuriyada Somaliland, dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaana bulshadda gobolka Sool.

Madaxwaynaha qaranka iyo Madaxwayne ku-xigeenka dhammaan Xukuumadda jamhuuriyada Somaliland, asxaabta qaranka iyo ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga xaasaskooda iyo caruurtooda-ba.

Waxaan leeyahay hambalyo 29 guurradda ka soo wareegtay xuska munaasibada qaran ee 18-ka May. ILLAAHAY SWT maalintan maalinteed haynagu gaadhsiiyo nabad iyo horumar, barwaaqo iyo badhaadhe insha ALLAAH”.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...