Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xuska 18-ka May, Fariimana U Kala Diray Shacabka S/Land, Dawlada Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka

0
Sunday May 17, 2020 - 22:22:25 in News by
  • Visits: 4266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xuska 18-ka May, Fariimana U Kala Diray Shacabka S/Land, Dawlada Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka

    Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xuska 18-ka May, Fariimana U Kala Diray Shacabka S/Land, Dawlada Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xuska 18-ka May, Fariimana U Kala Diray Shacabka S/Land, Dawlada Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka

 


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa soo saaray dhambaal xambaarsan qodobo kala duwan oo uu ku soo beegay xuska 18-ka May.


Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa warsaxaafadeed uu caawa soo saaray waxa uu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin sanad guurada 29aad ee ka soo wareegtay qaranimada somaliland, dhaliilaha jira iyo kala qaybsanaanta ka dhexjirta shacabka iyo tabashada laga xabo xukuumada hogaamiye Muuse Biixi.

Cadawga somaliland way neceb yihiin:... - Codka Somaliland | Facebook


Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkiisa fariin ugu diray dalka soomaaliya iyo wadamada beesha caalamka.


Warsaxaafadeedka uu soo saaray gudoomiye Faysal ayaa u dhignaa sidan.

Hambalyo Sanad-guurada 29 Ee 18 May Aw-geed.

Waxaan marka hore naxariis alleh u waydiinayaa inta inaga baxday ee aan maanta inala ciidaynin laakiin tacab ku lahaa qarankani.


WAA GUUL ALLEH 29 GUURADA JIRITAANKA SOMALILAND


Waxaan marka hore naxariis alleh u waydiinayaa inta inaga baxday ee aan maanta inala ciidaynin laakiin tacab ku lahaa qarankani, hadii ay tahay dib-u-xorreyntii, haddii ay tahay nabadayntii beelaha iyo haddii ay tahay qaranimo dhisanta oo ah ta aynu maanta u dabbaal dagayno sannad guuradeedii 29aad.


Waxkasta oo la kala sheegto-ba, qarannimo lama kala sheegto, dawlad iyo nidaam baa la mucaaradaaye Qaran lama mucaarado, mana aha in aad qaranimada u nacdo, nidaam aanad jeclaysan ama aanad u bogin hoggaankiisa.


Sidaa darteed, maanta taariikhda aynu u debaaldegaynaa waa mid leh xusiddeeda, waa mid ay dhismaheeda u dhammaayeen waxgaradka Woqooyi ama S/Land.


Dalka iyo dadka S/Land wuxu soo maray marxalado iyo maamulo kala duwan 29kaa sano oo ay ka mid ahaayeen xilliyo adag laakiin marka qiimayn guud aynu samayno waxa hubaal ah in aynu gaadhnay guulo la taaban karo oo la tirsan karo. Dhaliisha Mucaaradku maaha mid lid-ku-ah qaranimada, balse dhalliishu waa sifaha lagu keeno horumarka iyo wanaaga, waxaa lagu tartamayaana waa marwalba in talo ka wanaagsan ta jirta la raadiyo, hadii aanu higsiga noocaas ahi jirinna waxay noqonaysaa in aynu markale u gacan gallo nidaam qudha oo dadka yeesha dabadeedna xasuuqa sidii kii hore.


Haddaba munaasabaddan 18ka May 2020 waxaan jeclahay inaan gudbiyo fariimo dhowra:

1. Guud ahaan Shacabka S/land Dalka gudihiisii iyo dibaddiisiiba waxan leeyahay hambalyo, hambalyo, hambalyo kuwada ciida caafimaadsan, ilaahayna ha ina gaadhsiiyo guul iyo ictiriaaf.

2. Guud ahaan dadka ka soo jeeda deegaanada S/Land waxan ugu baaqayaa sida qudha ee ay dadkoodii iyo deegaanka ay kasoo jeedaanba wax ugu tari karaan ama ay talada dalka wax ugu yeelan karaan ay tahay in ay u hiiliyaan Qaranimada S/land, haddii ay dhaliilayaan nidaamkana noqdaan kuwo qayb ka ah sixitaankiisa ama beddelkiisa ee aanay nacayb la dudin.


3. Walaalaheena Somalia, waxan leeyaay, Walaalayaal annagaa keenay midnimada oo rabnay inaynu raadino shantii soomaliyeed, riyadaasi way fashilantay, waxa fashiliyey caalamka oo aan diyaar u ahayn sheegasho shan soomaaliyeed, waxa kale oo riyadaa wax-kama-jiraan ka dhigay caddaalad la’aantii iyo dunuubtii ka dhacday wadajirkeenii.


Haddii aynaan xaqiiqada ka dhaqaaqinna waxayu la mid noqon kuwo foosto dabala biyo ku dhaaminaya, wadajirkeenii wuxu ku dhammaaday 30 sano(1960- 1990), maantana kala maqnaanshaheenii wuxu marayaa 29 sano (1991 – 2020), haddii aad wali u haysataan in Kala Taggeenu Riyo yahay, idinkaa riyo ku jira ee rumaysta.


Walaalahayaga Somalia waxan odhan lahaa, maanta Djibouti oo ahayd dawladdii saddexaad ee Soomaaliyeed ee xorowda, gaar ayay u taagan tahay, waxtar mooyee waxyeelo uma laha Soomaali inteedii kale, Walaalaheenii Kenya iyo Kuwii Ethiopia na inoogama baahna xorreyn ee mid waliba nidaam uu aaminay iyo dawladnimo ay ka mid yihiin ayay haystaan.


Walaalayaal 29 sano ayay idiin suurto gali la’dahay dawladnimo degta oo aad isu aamintaan, mar-walbana sheegashada midnimadii burburtay baa hadaf u noqday nidaamkasta oo aad samaysataan mana hirgalo ee walaalayaal isu tashada anagana noogu tashada inaanu garab idiin noqon doono sida walaalaheena kale ee Djibouti, Kenya iyo Ethiopia oo aamina inaanu dib uga noqonay wadajirkii laakiin walaalnimadii iyo soomaalinimadii ay tahay mid dhiig ah oo dhalasho iyo gacal iyo xigaal ba leh.


Waxaan ku soo gunaanadi fariintaydan yaan waqti intaa kasii badani inagaga lumin ee rumaysta talada iyo go’aanka shacabka S/land oo ku taageera, sidaasaa walaalnimadu ku jirtaaye.


4. S/Land oo beesha caalamka ka mid ahi waa mid iman doonta waqtigii alleh qaddaray laakiin waxan muwaadin kasta oo u dhashay S/land xasusinayaa in uu ka soo baxo waajibaadkiisa shakhsiga ah, ha noqoto mid xil haya ama mid shicib ah, ha noqoto arday ama macalin, ha noqoto qurbojoog ama qolqoljoog, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo haween. Qaranimadu maaha inta xukunka haysa oo kaliya ee waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo dhan oo mid waliba uu garto isla markaana guto waajibaadkiisa qofnimo, ka qoys iyo ka qaran ba.


Gudomiyaha Xisbiga UCID
Eng Faysal Cali Waraabe


Loading...
Loading...