Guddoomihi Gobolka Mudug oo ku dhintay qarax ka dhacay Gaalkacyo

0
Sunday May 17, 2020 - 16:24:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomihi Gobolka Mudug oo ku dhintay qarax ka dhacay Gaalkacyo

    Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu watay bajaaj

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu watay bajaaj


mudug

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaweyd ka dhacaywaqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in lagu dilay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.

 

Qaraxan oo ay sidoo kale ku dhinteen seddax ka mid ah ilaaladii guddoomiyaha ayaa waxa uu ka dhacay xarunta gobolka horteeda, sida BBC-da uu u sheegay taliyaha Qaybta Booliska Muumin Cabdi.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu watay bajaaj walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

 

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa.

 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeya geerida guddoomiyaha, waxa uuna cambaareyay "falka aragagaxsinimada" ee lagu dilay masuulkaasi.

 

Qof isqarxiyay ayaa bishii Maarso dabayaaqadeedii ku dilay magaalada Garowe guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi

xigasho bbc

Loading...
Loading...