Maxaa Keenay In Xukuumadu Ay Qaado Xayiraada Aan Wakhtigeedu Dhamaan Ee Ay Dul Dhigtay Ka Ganacsiga Jaadka?.....Faallo
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay in ganacsatada u fasaxday inay dalka keeni karaan jaadka oo aan dhamaysan mudadii ay hore u sheegtay in la xayiray.
Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici oo ah gudoomiyaha guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ayaa 23-kii bishii April sheegay in mudo 25 cisho ah la xayiray in jaadka la soo galiyo somaliland.
Mudane Saylici ayaa go’aanka ay ku joojiyeen jaadka ka yimaada dalka Itoobiya ay la xidhiidho sidii looga hortagi lahaa fiditaanka xanuunka Coronavirus oo wakhtigaasi la shaaciyey in kiisaskii ugu horeeyey laga helay somaliland.
Xanuunka Coronavirus oo haatan u muuqda inuu ku sii dhex faafayo bulshada somaliland ayey guddida ka hortaga Covid-19 waxay si lama filaan ah u shaaciyeen inay ganacsatada fasax u siiyeen keenista jaadka, kuwaas oo afar cisho ka soo hormariyey wakhtigii ay hore u sheegeen inuu xayirnaan doono.
Talaabada ay qaaday guddida xukuumadu u xilsaartay xanuunka Covid-19 ay xayiraadii kaga qaadeen jaadku waxa ay noqotay mid ay su,aalo badani kaga soo noqdeen shacabka, kuwaas oo loo baahan yahay inay ka bixiyaan jawaabo waafi ah oo bulshadu ku qanacdo.
Guddida ayaa looga fadhiyaa inay bulshada u cadeeyaan in xanuunka Coronavirus uu hoos u dhacay ama kor u kacay mudadii ay xayiraada saareen jaadka iyo sababaha hada oo cudurku faafayo ku kalifay inay qaadaan xanibaadii ay soo rogeen oo aan wakhtigeedii dhamaan.
Si kastaba ha ahaatee talaabadii xukuumadu ku joojisay jaadkii kaga imanayey wadanka Itoobiya oo lagu tilmaamay mid muhiim ah oo lagaga hortagayo faafitaanka xanuunka Coronavirus ayaa hada u muuqata mid fashilantay.
Dhinaca kale guddida uu hogaamiye madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa looga fadhiyaa inay meel ku sheegto magta laba muwaadin oo ay ciidamada boolisku ku dileen gobolka Hawd, taas oo xukuumadu ilaa hada ka gaws adaygayso inay bixiso.
Xukuumada ayaa sidoo kale laga sugayaa jawaab cad oo ay ka bixiso hantida gaadiidka u badan ee ay garyaqaanadu ku tilmaameen inay sifo sharci daro ah kula wareegtay, waxa kale oo laga dhursugayaa sida ay ka yeesho xukunka xadhiga ah iyo ganaaxa ay dul dhigtay muwaadiniintii ay sheegtay in lagu qabtay jaad kootarabaan ah.
Si kastaba ha ahaatee dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee ay xukuumada Muuse Biixi u laashay xayiraadii ay ku soo rogtay jaadku ay tahay dhaqaale la,aan xoogan oo soo foodsaartay maadaama oo ay wayday cashuurta xad dhaafka ah ee ay ka hesho jaadka.
Hogaamiye Muuse Biixi ayaana la rumaysan yahay inuu go’aankan qaatay ka dib markii uu ka baxay in xukuumadiisu ay musalafto isla markaana dhaqaale la,aanta ku habsatayna ay ku keento inay ku fashilanto samata bixinta xaalada dalka iyo dabaraada kharashaadka kala duwan ee ay waajibka tahay inay bixiso.