Deni oo soo saaray Amar ku socda dadka wax kasoo dejiya Dekadda Boosaaso
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo agab ka soo dega Dekeda Boosaaso, gaar ahaan caagadaha mustacmalka ah ee horay loo isticmaalay.
Amarkan ayaa lagu faray Wasaaradaha Maaliyadda, ganacsiga, Amniga, Dekedaha iyo Taliska Booliska inay fuliyaan kuna dhaqaaqaan dhaqan gelintiisa.
Sidoo kale waxaa wareegtada amarka ee Madaxweynaha soo saaray lagu caddeeyay inay Xukuumadda la wareegeyso caagadaha haatan dhex yaalla Dekeda Boosaaso, isla markaana magdhow ka bixineyso, waxaa lagu wargeliyay cidii agabkan la mamnuucay soo dejisa in tallaabo laga qaadi doono.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.