Soomaaliya oo loo ansixiyey lacag 137 milyan oo dollar oo ah gargaar deg deg ah

0
Sunday May 17, 2020 - 12:53:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo loo ansixiyey lacag 137 milyan oo dollar oo ah gargaar deg deg ah

    lacagtaan Bangiga Adduunka uu u ogolaaday Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

lacagtaan Bangiga Adduunka uu u ogolaaday Soomaaliya


Image may contain: 1 person, sitting and indoor


Guddiga Agaasimayaasha Bangiga Adduunka iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ayaa ansixiyay $ 137.5 milyan oo gacan ka siinaya Soomaaliya sidii ay uga jawaabi lahayd ugana soo kaban lahayd dhibaatooyinka badan, kuwa ka jira xilligaan Somaaliya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Iyada oo ay soo noqnoqonayaan fatahaadaha iyo abaarta sanado iyo ayaxa kaas oo halis galinaya sugnaanta cunno, iyo sidoo kale masiibada COVID-19,Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag iyo xaalad caafimaad oo guud oo degdeg ah, labaatan sano oo colaado hubaysan ah, kuwaas oo dhammaantood saameyn xun ku yeeshay nolosha iyo hab-nololeedka dadka Soomaaliyeed, 70% ka mid ah ayaa liita.

 

Mashruuca Jawaab celinta Dhibaatada Soomaaliya (SCRP) wuxuu siin doonaa taageero deg deg ah meelaha ay dhibaatadu ka dhacday iyadoo lagu taageerayo dib u soo kabashada habnololeedkii iyo kaabayaashii fatahaadaha iyo aagagga ay abaartu saameysey sidoo kale waxay sii xoojin doontaa nidaamyada Dowladda iyo awoodda loogu diyaar garoobo masiibada.

 

Dhibaatooyinka sii kordhaya ee sida joogtada ah u dhaca dalka ayaa wiiqaya fursadaha Soomaaliya ee ah inay ka baxdo saboolnimada. Xitaa iyada oo ay ka soo kabaneyso abaarta, Soomaaliya waxa ay wajahaysaa saddex waxyaabood oo kala ah ayax, fatahaad, iyo Cudurka COVID-19, ”ayuu yiri Agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo. "Waxaa mahad leh dib-u-habeynta Dowladda ay ku sameysay maaliyadda guud, Soomaaliya waxay hadda fursad uheleysaa helitaanka lacag , oo ay kujirto mid looga jawaabayo Qalalaasaha.

lacagtaan Bangiga Adduunka uu u ogolaaday Soomaaliya ayaa waxaa ka faa’iideysan doona ilaa 1.7 milyan oo Soomaali ah – gaar ahaan kuwa ugu nugul bulshada, beeraleyda, Dadka barakacay, bulshooyinka reer miyiga iyo bulshooyinka martigeliyey ee saameeyeen ayax iyo fatahaadda. Mashruucu wuxuu bixin doonaa adeegyo aasaasi ah iyo taageero maciishadeed oo ay ka mid yihiin:

 

1: sameynta qorshe lacag-shaqo-loogu abuurayo qoysaska dhibaatoyinka u nugul.

 

2: ka ilaalinta dadka ku nool dhulka cidlada ah waxyaabah halista ah oo uu kamid yahay Ayaxa, iyada oo la fulinayo hawlgallo lagu buufinayo hawada.

 

3: Soo celinta iyo ilaalinta awoodda beeralayda wax soo saarka beeraha; iyo kor u qaadida nadaafadda qoyska iyo hababka daaweynta.

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aad u soo dhaweeyay talaabada Bangiga Aduunka ee uu Soomaaliya ugu ogolaaday lacag dhan $137.5 Milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xaaladaha Dalka ka jira sida xanuunka Covid-19, Fatahaadaha iyo Abaaraha.

Loading...
Loading...