Gabilay Ma Ku Noolyihiin 2000 Oo Qooys Oo Kasoo?!!!

0
Sunday May 17, 2020 - 09:30:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabilay Ma Ku Noolyihiin 2000 Oo Qooys Oo Kasoo?!!!

    W/Q: Axmed Aadan Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed Aadan Xuseen

Hadaad Wajaale ka soo baxdo subaxa,waxaad ka qureecanaysaa kalabaydh,duhurka waxaad ku tukanaysaa Gabiley,Wajaalena waad ku noqkartaa casarka - adiga oo lugtaada ku socda.Degaankaasi Waxaa ku nool dad aad tiro yar oo asal ahaan Beeraha qodan jiray,laakiin haatan ka saaqiday oo suga oo kaliya wax la siiyo;timir,saliid  iyo Bariiska laga keenay aduunka sadaqada la baxa.Wakhtiyaadii aan yaraa dadkaasi aadbay u shaqaysan jireen oo Beero qodato ayay ahaayeen,haatanse nolol kale ayay galeen oo waxaa u dhashay calanka barakaysan ee somaliland,kaasi oo ay ka sugaan masruuf.Shaqadii way iska daayeen oo fadhiga ayay wax ku sugaan.Dadka degaankaasi degani maaha dad isku wada qabiil ah:Qaybta ugu wayni waa Jibriir Abookar,qaybta labaad Baho Samaalroon oo isku jirta dadyoow kala duwan laakiin samaalroonimo wadaaga.(Habar Samaalroone)Bahar Adan,Bahar Cabdale,Bahabar Abukar iyo Dhegawayne.Waxaas soo raaca Akisho oo ah asalka dadkani ay ka soo jeedaan,Madigan,Gurgure,iyo Gabooye.

 

In badan ayaad daawateen samsam Cabdi  Adan oo raashin   ka qaybinayso Gabilay,Timir ka qaybinayso degaankaasi ama wax kale wal-waalaysa oo Gabilay ku sii wada,walise gaajiadii way jirtaa.haraadkiina wuu jiraa.Muddo dheer  ayaad daawateen Gabilay oo wax lagu sii wado iyo Gabilay oo qaylinaysa ama tii oo Jaadkii ka yaraaday.Sida ay dadkaasi aaminsanyihiin xaq ayay u yeesheen in fadhiga lagu masruufo oo Maamulkaasi Somaliland uu iyaga daryeel gaara u sameeyo.Waxaad aragteen Gabilay oo ka lacag badan Togheer marka la qaybinayo lacagta mashruuca - GPLG ama mashruuc kale oo wadanka lagu caawiyay.Biyo hadii la qodayo halkaasi ayaa laga qodaa,dhartar hadii la shisayo halkaasi ayaa laga,Ambulance hadii meel loo wado halkaasi ayaa la geeyaa.Hala geeyo oo kamaba xumi,laakiin bal oohinta badan hayska daayaan.

 

Dadka degaansi degan waa la kala saara.Raashinka lama  siiyo cidii aan aan anayn Jibriir Abookar.Dadka kale shaqaba kuma lahaa waxaasi la qaybinayo ee la sheegayo,niyadooda kuma jirto inay raashinkaasi wax ka helaan.Maba xungureeyaan,oo waxaad moodaa dad ka caagan raashinkaasi;dad gaara ayaa wata hawsha,dad gaara ayaa qaybiyana,dad gaar ahna waala siiyaa.Hadii laga reebo dadyoowga kale,Jibriir Abookarka degaankaasi ma gaadhaan,2000 qooys.Laakiin waa arin la buunbuuniyay oo dadka laga dhaadhiciyay.

 

W/Q: Axmed Aadan Xuseen

Luton Uk

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...