Ganacsato Is Xilqaantay Oo Dhexdhexaadinaya Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle..

0
Tuesday April 09, 2019 - 23:07:11 in News by
  • Visits: 4202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsato Is Xilqaantay Oo Dhexdhexaadinaya Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle..

    Ganacsato Is Xilqaantay Oo Dhexdhexaadinaya Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsato Is Xilqaantay Oo Dhexdhexaadinaya Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

Hargeysa(HWN):-Qaar ka mid ah ganacstada Somaliland ayaa bilaabay dedaalo ay ku dejinayaan xiisada ka dhalatay arrinta Ganacsade Axmed Cismaan Geele.


Ganacsatadan oo iskood isu xilqaamay ayaa waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Ganacsade Axmed Cismaan geele.

Image result for muuse biixi iyo axmed cismaan geelle


Sida ay sheegayaan warar soo baxay ganacsatada ayaa waxa ay kulankoodii koowaad Axadii la yeesheen Madaxweyne Muuse iyagoo kala hadlay in marka hore la dejiyo xiisadda ka dhalatay hadaladii ay Madaxtooyada iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele warbaahinta isu mariyeen.


Waxa kale oo uu warku sheegay inay ganacsatadu Madaxweyne Biixi ka dhagaystay warbixin ku saabsan arrinta ganacsade Axmed Cismaan Geele
iyo sida uu u arko in xal lagu gaadhi karo, waxaanay kulankaas ka dib ganacsatadu kulan la yeesheen Ganacsade Axmed Cismaan Geele oo ay isna
dhinaciisa waraysteen.


Waxa kale oo uu warku sheegay in Madaxweyne Biixi iyo ganacsade Axmed Cismaan Geele ay ganacstada siiyeen ogolaansho ah in ganacsatadu ka hawlgasho sidii xiisadda loo dejin lahaa loona xalin lahaa arrimaha
kale.


Xiisad ayaa ka dhalatay ka dib markii ay madaxtooyada Somaliland ganacsade Axmed Cismaan Geele ku eedaysay inuu Hargeysa kula soo dhuuntay lacag ay sheegeen inuu ka soo dhacay Bangi ku yaala Djibouti, iyadoo uu Ganacsade Axmed Cismaan Geele isna dhinaciisa iska difaacay eeddaas islamarkaana sheegay inaanu jirin lacag uu bangi ka soodhacayee isaga ay dawladda Djibouti ka dhacday 128 Milyan oo dollar.


Si kastaba ha ahaate, dedaaladan ay ganacsatadu bilaabeen ayaa dejiyay xiisada oo maalmihii la soo dhaafay aad u kacsanayd, waxaana la filayaa in Ganacsatadu go’aan iyo xal kama dambays ah ka gaadhaan arrintan.

 

Loading...
Loading...