Kolba Wax Baa Lagu Dawarsadaa Ee Covid-19 Baa Imikana Risiqii Askarta Ka Galay (Abdi-Shotaly).

0
Sunday May 17, 2020 - 09:21:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kolba Wax Baa Lagu Dawarsadaa Ee Covid-19 Baa Imikana Risiqii Askarta Ka Galay (Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Waxa la yidhi "Geelaw soco-soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaa" Micnaha ku jiraa waxa weeye, ee geela loogu soo qaatay. geed walba oo uu arko, meel kaste ha ku yaalee, siduu isu leeyahay tiigso oo daaq, buu aakhirka jar ka boodaa ama mid wed-kiisa ah uu is yidhaahaa soo gooso aad cuntide, markaas bay halkaa naftu kaga haguugtaa, marka cilin-kiisa la saari waayo. Waxan hadaba maanta u soo qaatay murtidan, oo igu kelifay maah-maah-dda sare ku taala, Waxa cayn-kaas ka dhigan oo siddii geela daaqay, dhirtii gebi ahaan-ba aanay quudan jirin, noolaha uu rabbi uumay (Xayawaanka iyo bani'aadam-kuba), sidda ciinka, dhiro-dhabato, maskax-buq iyo qoodhe waraabaha, oo isku deyaaya in ay wax walba can-koodda geliyaan " Maamulka Xaafad-tooyadu". Hadeer baa illaah garab-koodda ka baxay. oo ay leeyihiin " Ilayn cayloy cadaana, ilayn tiir la cuska-daana" Maalin-ba meel bay u dawersi tagaan askar-tuye, ee Covid -19 bay wax ku baryaan wakhtigan. Markii aduunkii kale been-tooddii ka soo hor iyo dabaka wareegay, bay wakhtigan Carab ku maslaxdaan " Deked baan idin siinay" Ee naga soo gaadha cudurka fidaaya, iyaka oo laf-doodu ah kuwa sii faafi-naayan, ilayn wax bay ku cunayaan, oo dan baa ugu jirta'e. imikay bisaaska qab-qabsa-nayaan. naf la caarid awggii.

 

Haday isku dhalaashay, oo ay saliiddii iyo biyihii isku dartay, afartii taayir-ba cidla neeftu kaga ban-jareen, cid u neefaysa ay cidladda ka raadi-nayaan. Akhristaw yaan kugu dheerayne, waa maamulkii askariga maskax-dda ka dawaarsani, isaga oo soo salal madaw, meel uu qabsado la', tallo faro ka haaday, kuna ciirtay, albaab waliba-na isagu iska soo xidhay, oo uu hadda ku jiraa odhaah-ddii ahayd " I-bixiyaw I-bixi" Tuug-se illaah ma baxiyee, imikaa caynkii iyo bayddii u go'een, oo awrkii layliga ahaa, ee aad rarka saar-teen, intuu la buubay uu ìska tuuray, guriggii lagu raray, kaaga darane uu weliba, intuu afartii cagood-ba dhulka ka qaaday, siddii nirgo gu' caano iyo doog ka dhergay, uu sii af-dhuub-yaalay-nayaa kibir awggii. Waxad ka daawanay-seen War-baahinta, In maalmahan ugu dambeeyey ( Mudo ilaa shan cidho ku siman), Ay shaqaalihii " Dawladda hoose" Banaan-baxyo iyo mudaaharaado" ka hor samayna-yeen xafiiska lagu dhaqaaleeyo, ka uuska buuran ee la yidhaaho " Carfaaye ( Malaha waxad u yeedhaan Solteko baan filyaa). iyaka oo shaqaaluhu ku cabanaaya in aan la siin mushahaaro mudo shan bilood ah. ( Subxaana-laahi yaa rabbi). misana loogu sii daray " Wax-ba naguma lihidin". Waa indho isku qabasho cadaan ah,  ee saw maaha maah-maah-ddii ahayd " Farsamo xumaani farahay ku goysaa" Xaal-koodu.

 

Sarbeeb baa iyana ahayd " Geedkii ka magoola meel gebiya-ba, malagu geela waa ku madhin jirey, ee mawd-kaygi dhun-kaal ma muud-saday"  Askartan yawga ahi iyo ayaxa ay dalkii iyo dadkii ku siidaayeen, siddii koron-koraddii markuu ayaxu jeesto soo bixi jirtey, ee ay hoosta ka xoolayn jireen, intay dul iyo hoos-ba inagu sare tageen siddii aboorkii, wax walba is dhaafi-yeen, bay maanta meel ay shilin ka soo furtaan la' yiihiin, oo shaqaalihii markii ay yidhaaheen, maxaa mushahaaro naloo siin waayey shanta bilood, raas iyo xabad lagala hor tegay, inta loo dal-baday biidhi-qaata-yaashii ay " Boqortoo-yadda Ingiriisku ka go'say Mushaharkii" Waa kuwaad tidhaahaan RRU-da, oo uu ku cabudhiyo ummadda masaakiinta ah, maalin-ba meel bay maraysaa, halkii ugu  xumayd bay weliba hoos ka sii martay,  kol uu askarigu telefoon u dirto " Farmaajo" oo uu ku yidhaaho Naga soo bixi musha-haaradda, markay faraha iskula hadleen, oo shicibkii laga dafiray Musharkii, Allay-lehe inteedaan ku sugay aradka gaaroodi,

* N.B Farsama Xumaani Farahay Ku Goysaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...