Barack Obama Oo Markale Weeraray Madaxweyne Trump
Waxa uu sheegay in saraakiil badan ay u muqdeen ineysanba mas'uuliyad saaranayn.
Mr Obama oo khudbad ka jeedinayay xaflad qalin jabin ah ayaa sheegay in xaaladdan ay qeexeyso waxyaabo badan oo daahsoonaa. Waxa uuna carrabka ku adkeeyay in dadka ka mas'uulka ah dalka ay ogaayeen wax walbo oo ay sameeynayeen.
Waa
markii labaad ee uu Mr Obama weerar afka ah ku qaadayo maamulka madaxweyne
Trump muddo tobaad gudihii ah.
Tirakoobkii
ugu dambeeyay ee Jaamacadda Hopkins ayaa Muujinaya in inkabadan 1,200 oo qof ay
fayraska corona dalkaasi Mareykanka ugu dhinteen afar iyo labaatankii sacaadood
ee la dhaafay taasi oo tirada guud ka dhigeysa ku dhawaad 89 kun.
Mr Obama ayaa sidoo kale ku fogaaday dhibaatada uu xanuunkan saf-marka ku yeeshay bulshooyinka madowga ah ee ku sugan Mareykanka.
Dadka Ameerikaanka ah ee madow ayaa tiro aad u badan kaga dhimatay fayraska corona marka loo bar-bardhigo qowmiyadaha kale ee dalkaasi Mareykanka.
Madaweynihii hore ayaa sidoo kale intii uu khudbeynayay tusaale u soo qaatay dilikii Ahmaud Arbery oo ahaa nin madow ah oo ay toogteen laba nin oo cadaan ah.
"Haddii aad dooneysaan in dunida ay sidaan iska badasho, idinka ayay idinku xirantahay,'' waxa uu sidaasi ku yiri ardaydii qalin-jabineysay.
Mr Obama ayaanan is muujinin tan iyo markii uu xafiiska baneeyay bishii Janaayo ee sannadkii 2017-kii, aadna uguma uusan hadli jirin arrimaha ku saabsan ninka isaga baddalay.
BBC