Badhasaabka Sool Oo Kulan La Yeeshay Weriyeyaasha Ka Hawl-galla Laascaanood

0
Sunday May 17, 2020 - 06:05:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Sool Oo Kulan La Yeeshay Weriyeyaasha Ka Hawl-galla Laascaanood

    Badhasaabka Sool Oo Kulan La Yeeshay Weriyeyaasha Ka Hawl-galla Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Sool Oo Kulan La Yeeshay Weriyeyaasha Ka Hawl-galla Laascaanood

Hargeisa(HWN):-Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta kulan la yeeshay weriyeyaasha qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka hawl-galla gobolkaasi gaar ahaan Laascaanood.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska badhasaabka Sool waxaa ka qayb galay, taliyaha qaybta booliska gobolka Sool iyo xubno ka tirsan guddiga amaanka gobolka Sool.


Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa hawlaha wacyi gelinta caabuqa covid19. Maadaama oo saxafadu tahay hal-bawlaha war tebinta gobolka.

Sida uu ku sheegay qoraalk kooban uu badhasaabka gobolka Sool ku baahiyay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in kalsoonida warka weriyaha lagu qabo in ay ku xidhan tahay in lagu barto in mar kasta uu xaqiiqada tebiyo.

"Kulan heerkiisu sareeyo ayaanu maanta la qaadanay saxaafadd gobolka Sool. Kaasoo ujeedkiisu ahaa sidii loo sii xoojin lahaa wacyi gelinta caabuqa covid19.


Maadaama oo saxafadu tahay hal-bawlaha war tebinta gobolka. Runta-na looga sheeki lahaa xaaladaha soo kordhay, marka ay cadayso wasaaradda horumarinta caafimaadka” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Sidoo kale warka badhasaabka waxa uu ku sheegay sida looga baahan yahay weriyeyaasha in ay tebiyaan wararka xaqiiqadda ah. Waxaanu yidhi, "Kalsoonida warka weriyaha lagu qabo in ay ku xidhan tahay in lagu barto in mar kasta uu xaqiiqada uun tebiyo iyo in aanu warka ku dhex darin dareenkiisa ama fikirkiisa shakhsiga ah”.

Geesta kale badhasaabku waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay kulanka kadib weriyeyaasha isla qaateen. "Waxaaanu isla qaadanay in laga wada shaqeeyo horumarka iyo wacyigelinta covid19-ka, ka runtii-na waxay muujiyeen dareen togan oo wadaniyadi ku dheehan tahay”.

Ugu danbayn, badhasaabka Sool ayaa u mahad celiyay weriyaasha gobolkaasi ka hawl-galla."Mahad balaadhan baan u celinaya saxaafadda gobolka Sool. Waxaanan leeyahay hawl-kama daalooyin weli waa hogeedii sii wada dedaalka dalkiina” ayuu badhasaabka Sool ku yidhi qoraalkiisa.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa, Somaliland

Loading...
Loading...