Ururka Soyda Oo Kulan Wacyi Gelin Ah Oo Kor Loogu Qaadayo Xuquuqda Hablaha Guryaha Ka Shaqeeya U Qabtay Bulshada 31-ka May+Sawiro

0
Tuesday April 09, 2019 - 21:53:34 in News by
  • Visits: 2064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Soyda Oo Kulan Wacyi Gelin Ah Oo Kor Loogu Qaadayo Xuquuqda Hablaha Guryaha Ka Shaqeeya U Qabtay Bulshada 31-ka May+Sawiro

    Ururka Soyda Oo Kulan Wacyi Gelin Ah Oo Kor Loogu Qaadayo Xuquuqda Hablaha Guryaha Ka Shaqeeya U Qabtay Bulshada 31-ka May+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Soyda Oo Kulan Wacyi Gelin Ah Oo Kor Loogu Qaadayo Xuquuqda Hablaha Guryaha Ka Shaqeeya U Qabtay Bulshada 31-ka May+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Ururka wadaniga ah ee Soyda bulshada degmada 31-ka May ee magaalada Hargeysa u qabtay kulan wacyi gelin ah oo ku saabsan ilaalinta iyo kor u qaadida xuquuqda hablaha guryaha ka shaqeeya.







Kulankan wacyi gelinta ah oo ka dhacay xarunta dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Cali Dayib ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday ururka Soyda, Madax dhaqameedka degmada 31-ka May, macalimiin iyo marti sharaf kale.


Xasan Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha ururka Soyda oo ka hadlay kulankan wacyi gelinta ah ayaa bulshada degmada 31-ka May kula dardaarmay inay ilaaliyaan xuquuqda hablaha guryaha ka shaqeeya waxaanu yidhi "Ururka Soyda waxa uu wacyi gelintan ugu tala galay in bulshada lagu baraarujiyo muhiimada ay leedahay waxbarista hablaha guryaha ka shaqeeya, waxaana ururka Soyda uu hirgeliyey mashruuc shan sano socday oo wax lagu barayey hablahaas kuwaas oo qaatay barashada afar xirfadood oo ay ka mid yihiin Qurxinta Iyo Dawaarka, waxaana maanta noo farxad ah inay jiraan hablo ka faa,iidaysay waxbarashadaas oo anfacay nafahooda iyo qoysaskoodaba.”








Ugaas Ismaaciil Cabdi Huluul oo ka mid ah madax dhaqameedka degmadaasi oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa si weyn u soo dhaweeyey waxbarashada ay ururka Soyda ay u fidiyeen hablaha guryaha ka shaqeeya, isaga oo sheegay inay rajaynayaan in la sii wado mashaariicda wax lagu barayo hablahaasi.






Gudoomiyaha ururka Soyda Faysa Aw Cali Yuusuf oo iyaduna ka hadashay kulankan wacyi gelinta ah ayaa hadalo dhiiri gelin iyo dardaaran ah u jeedisay hablaha la baray xirfada iyo dadweynaha degmada 31-ka May ee ka soo qayb galay kulankaasi wacyi gelinta ah.


"Marka hore waxaan bulshada bulshada 31-ka May sida ay uga soo qayb galeen kulankan wacyi gelinta ah, runtii Ururka Soyda waxa sharaf weyn u ah in mudo shan sano ah ay waxbarasho xirfadaha kala duwan ah siinayeen hablaha guryaha ka shaqeeya, waxbarashadaas oo faa,iido weyn ay ka heleen dhamaan ardaydii hablaha ahaa ee ka faa,iidaystay, runtiina waxa wanaagsan inaynu ku dedaalno sidii aynu ugu dedaali lahayn waxbarashada hablaha oo aynu ognahay inay faa,iido balaadhan u keenayso bulshada.”






Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mid dadweynaha degmada 31-ka May iyo ardayda ka faa,iidaystay waxbarashada xirfadaha ee ururka Soyda kuwaas oo ka mahad celiyey sida ururka Soyda uu xilka iskaga saaray waxbarista hablaha guryaha ka shaqeeya.


Dhinaca kale ciyaaro ka mid ah kuwa hidaha iyo dhaqanka somaliland ayaa lagu soo bandhigay madasha kulankan wacyi gelinta ah loogu qabtay bulshada degmada 31-ka May ee magaalada Hargeysa.


Loading...
Loading...