Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Mawqif Ay Ka Qaadatay Codsi Ku Saabsan Dacwada Badda Oo Kenya Uga Yimid

0
Saturday May 16, 2020 - 16:37:01 in News by
  • Visits: 1830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Mawqif Ay Ka Qaadatay Codsi Ku Saabsan Dacwada Badda Oo Kenya Uga Yimid

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Mawqif Ay Ka Qaadatay Codsi Ku Saabsan Dacwada Badda Oo Kenya Uga Yimid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Mawqif Ay Ka Qaadatay Codsi Ku Saabsan Dacwada Badda Oo Kenya Uga Yimid

Hargeysa(HWN):-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay arrinta ku saabsan dacwadda badda ee taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, una dhexeysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii warbaahintu ay sii daysay macluumaad muujinaya in xukuumadda Nairobi ay codsatay in dib loo dhigo markii seddexaad garmaqalka labada dal sababa jiro oo hadda ay wajahayaan labada dalba dib loogu dhigo.


Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah ...

Mahdi Guuleed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay in marnaba Soomaaliya aysan aqbali Karin in kiiskaas dhageysigiisa dib loo dhigo, islamarkaana ay ku gacan seyreen codsiga Kenya ee ahaa in sababo la xiriira xanuunka COVID-19 dartiis dib loo madlo garmaqalka maxkamadda.


"waxaan doonayaa in aan iftiimiyo in dowladda Kenya ay rabtay mar walba in ay dib u dhigto, dacwadda amma ay isku daydo in meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah wax lagu xalliyo, innaga mowqifkeennu wuxuu yahay in mar walba maxkamadda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dunida ku heshiisay si nabad ah oo amni ah loogu kala baxo” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.


Mar wax laga weydiiyay haddii Kenya ay ka cabaneyso qarashaadka ku baxaya maxkamadda iyo qareennada difaacaya, Soomaaliya oo tag ahaan ka jeeb yar Kenya , halka lacagtaas ay ka keeneyso ? waxa uu ku jawaabay in arrintaasi ay sax tahay, hase-ahaatee la kari karayo ,balse Soomaaliya ay ka bixineyso miisaaniyaddeeda yar.


Waxa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay dhowr jeer isku dayday in kiiskaasi loo galo hab diblumaasi ah, sida in lagu xalliyo wada-hadal amma la geeyo meelo ay kamid tahay midowga Afrika, balse Soomaaliya taasi ay aqbali weysay.


Dhageysiga kiiska muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa loo balansanyahay 8-da Juun 2020.


Loading...
Loading...