Suhuur Xasan Abiib Oo Tacsi Udirtay Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Xasan Guure
Ambasadoor Suhuur Xasan Abiib ayaa tacsi tiiraanyo leh udirtay ehelkii iyo qaarabadi iyo qaranka Somaliland ee uu ka bxay marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo xalay ku geeriyooday Caasimada Somaliland ee Hargaysa.
Marwo Suhuur Xasan Abiib ayaa marxuumka ku sifaysay in uu ahaa adoon wanaagsan oo aan lagaban hadalkiisa, waxaanay qoraal kooban oo ay soo gadhsiisay Hadhwanaagnews uqornaa sidan:- "Soomaalilaand maanta cod baa ka dammey XAQ u dirrir ahaa - Muj. Xasan Guure Jaamac. Allaah Yarxamu Raaximiin. Innaa Lillaahi Wa-inaa Ileyhi Raajicuun”.
Sidoo kale Suhuur ayaa ilaahay uga bariday marxuumka inuu janadiisii fardawsa geeyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin Aamiin
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!