Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Kaalinta Ay Dhalinyaradu Kaga Jirto La Dagaalanka Covid-19

0
Saturday May 16, 2020 - 14:03:32 in News by
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Kaalinta Ay Dhalinyaradu Kaga Jirto La Dagaalanka Covid-19

    Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Kaalinta Ay Dhalinyaradu Kaga Jirto La Dagaalanka Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Kaalinta Ay Dhalinyaradu Kaga Jirto La Dagaalanka Covid-19


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda,mudane Xasan Cali Khayreayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.




Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka iyo kahor tagga Feyruska Karoona iyo gurmadka Fatahaadaha.


"Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabadda 77 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.


"Waxaan uga mahad celinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed dowrka wax ku oolka ah oo ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa milkiilayaasha dalka dowrkooda ku aaddan la dagaallanka Covid19 iyo la tacaalidda fatahaadaha.”, ayuu raaciyay Ra’iisul wasaaruhu.


Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 77 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas.


—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...