Wasiirka Beeraha Ee Somaliland Warsaxaafadeedkii Sii Dayaaradaa Ayaxa Ku Saabsanaa Ujeedo Iyo Ka Jeedo Waa La Fahmi Waayey.

0
Saturday May 16, 2020 - 09:45:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Beeraha Ee Somaliland Warsaxaafadeedkii Sii Dayaaradaa Ayaxa Ku Saabsanaa Ujeedo Iyo Ka Jeedo Waa La Fahmi Waayey.

    Yaa Waduud Yaa Suduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa Waduud Yaa Suduud.

Runtii Xukuumadda SOMALILAND  badi war saxaafadeedkooda bulshooyinka Somalidu wey ku Sikhraamaan oo ka jeeddo iyo u jeedo waa la fahmiwaayaa

 

Madaxweyne Muse ayaa marwalba khudbad aan la soo diyaarin bulshada la wadaaga iyadoo gole ka fuula oo hydrocarbonate iyo acid ku saydha, dhegeystayaasha Somalida oo la fahmiwaayaa wuxuu u jeedo ka dar oo dibi dhal wasiirkiisan haysta shahaadada secondary schoolka oo aqoondaro ka muuqato wuxuu xalay ku galgashay war saxaafadeed ku saabsanaa dayaarado dhulka Somalida gaalada u soo dirtay si ay ayaxa uga buufiyaan oo la wada ogyey inay Mashuuc afar bilood ka hor ay United Nations ku afrika boqolaal million u qoondeeyeen si Ayaxa ku habsaday afrikoo dhan laga buufiyo ayuu  sheeko caruureed SOMALILAND ku sii daayey isagoo AFQOTI KU BAROORANAYA sidii berigii Wadani iska eryeyba uu u baroortay.

 

War saxaafadeedkii ina Muumin markii afafka reer yurub lagu turjumay dhinac uu ujeedo iyo dhinac uu ka jeedo waa la fahmi waayey weliba wuxuu ku daray hanjabaad inay dayaaraddahaasi la soo rido doono hadday ayaxayaga Mogadisho sheegato aritaas oo baqasho ku riday shaqaalihii dayaaradaa waday oo imika la hakin doono inta SOMALILAND laga fahmayo ujeedooyinkooda  u muuqda carqaladaha sama falka argagaxa geliyey.

 

Dunidu imika waa xaafad qudha oo waakaa  duriga qudhi mar qudha ku wada dhacayo oo waxa Hargeysa jiraa caawa markiiba London baa lagu hayaa. Markaa wasiirada Xukuumadda Muse Biixi iyo Muse Biixi dunida ha la jaanqaadaan oo arimuhu  ha u kala soocnaadaan. Khudbaddii wasiirka beeraha runtii markaan ku dawakhay wuxuu hadalo aan midna mid HAYSAN soo daayey afar paracetamol ah baan liqay.

 

Siyaasadda isyeelyeelka ah wadanka ka DAAYA. SHALAY bay ahayd markuu Muse Biixi dalbaday inuu Farmaajo la kulmo Addis apapa , SHALAY bay ahayd markii Maamul goboleedyada million million ka lasoo soo diray ee sida Masaarida ay Xukuumadda SOMALILAND lacagtaa dhunkanaysay, shalay bay ahayd markay Kulmiye xusbiga Mogadisho ka furanayeen, habeen kasta telephone ka Xamar bay Xukuumadda SOMALILAND ku jirtaa aan qarsoonayn markaa naga daaya  dhuumashada dhabarku  Muuqdo iyo Mugadisho ayaa SOMALILAND la cola.

 

 

YAA WADUUD YAA SUDUUD.

M BASHE

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...