Xildhibaan Guurti Ah Oo Shacabka Kula Taliyay Inay Ilaalinta Nabadgelyada Xoojiyaan

0
Saturday May 16, 2020 - 09:21:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Guurti Ah Oo Shacabka Kula Taliyay Inay Ilaalinta Nabadgelyada Xoojiyaan

    Xildhibaan Guurti Ah Oo Shacabka Kula Taliyay Inay Ilaalinta Nabadgelyada Xoojiyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Guurti Ah Oo Shacabka Kula Taliyay Inay Ilaalinta Nabadgelyada Xoojiyaan


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka xog waramay muhiimada ay nabadgalyadu leedahay, waxaanu xusay in sugida nabadgalyada loo soo maray marxalado adag, isla markaana aan la ogolayn cid waxyeelo gaadhsiisa.




Xildhibaan Saleebaan Garas Seed,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay ‘Nabadgalyada iyo amaanka aynu ku naalooyno iskamay iman ee jid iyo dariiq dheer baynu u soo marnay, inaynu nabadeena sugno marxalado iyo duruufo adag baynu u soo marnay, cid wax gaadhsiisana raali kama nihin, cid kasta oo isku dayda inay waxyeelo gaadhsiiso nabadeenana waa inaynu iska qabana, oo gacan bir ah iskaga qabanaa, maxaa yeelay inaynu amaankeena sii sugno oo aynu sii adkayno mooye, marnaba la inagama rabo inaynu hagardaamo u geysano”.

Dhanka kale wuxuu baaq u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay aad iyo aad isku ilaaliyaan, iskana ilaaliyaan xanuunka Koronaha inuu dhexdooda ku fido, waxaanu u soo jeediyey talo in qof walba oo iska shakiyaa inuu is baadho, oo aanu iska aamusin.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...