Mujaahid Xasan Guure oo Goor-dhawayd Ku Geeriyoodday Hargeisa

0
Saturday May 16, 2020 - 07:06:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Xasan Guure oo Goor-dhawayd Ku Geeriyoodday Hargeisa

    Hargaysa(HWN):-Alle ha u naxariistee waxa goor-dhawayd magaalada Hargaysa ku geeriyoodday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Alle ha u naxariistee waxa goor-dhawayd magaalada Hargaysa ku geeriyoodday


Hargaysa(HWN):-Alle ha u naxariistee waxa goor-dhawayd magaalada Hargaysa ku geeriyoodday Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ka mid ahaa Saraakiishii sarsarre ee ururkii SNM ee dib u xorraynta Somaliland.


Alle ha u naxariistee Xasan Guure Jaamac waxa uu ahaa Guddoomiyaha madasha wada-tashiga Somaliland, waxaannu u geeriyoodday Xanuun ku soo boodday oo uu caawa dhiskii danbe ee Suxuurta u geeriyoodday.
Image may contain: 1 person

Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ka mid ahaa saraakiishii ururkii xornimo-dirirka ahaa ee SNM, isla markaanna waxa uu ahaa Shaqsi aad looga yaqaanay guud ahaan deegaanada Soomaalida, gaar ahaan Somaliland.

IIlaahay ha u naxariistee Mujaahid Xasan Guure wuxuu soo noqday wasiir ku xigeenkii wasaarada gaashandhiga somaliland waxa kale oo uu aad uga dhex muuqday siyaasada somaliland, iyadoo mudooyinkan u danbeeyay lagu xasuusto siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wada tashiga.

Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Guure Jaamac waxa uu ahaa Addoon wanaagsan oo run sheeg ah oo markasta Xaqa u hiiliya, isla markaanna Cibaado badan oo af-gaaban waxaannu Noloshiisa oo dhan u shaqaynaayay ummadda reer Somaliland.

Bahda Warbaahinta Hadhwanaagnews waxa ay Tacsi u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii, Asxaabtiisii iyo guud ahaan Shacabka Somaliland geeridda naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...