"Somaliland Maaha, Dal Si Yar Oo Fudud Loo Hoos-geyn Karo Soomaaliya.."..Xil NacNac

0
Friday May 15, 2020 - 16:57:43 in News by
  • Visits: 2616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Maaha, Dal Si Yar Oo Fudud Loo Hoos-geyn Karo Soomaaliya.."..Xil NacNac

    "Somaliland Maaha, Dal Si Yar Oo Fudud Loo Hoos-geyn Karo Soomaaliya.."..Xil NacNac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland Maaha, Dal Si Yar Oo Fudud Loo Hoos-geyn Karo Soomaaliya.."..Xil NacNac


Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in aanay sinaba suurtagal ku ahayn midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya, xilli la sheegay in Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ay wadaan dedaalo ku waajahan midnimada labada dal.




Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay WargeyskaGeeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay xanuunka Coronaha, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Somaliland maaha dal si yar oo fudud loo hoos gayn karo Soomaaliya, qaranimada Somaliland maaha mawqif laga noqon karo, cid midnimada Soomaaliya nagu qasbi kartaana ma jirto, dal ha ahaado, dawlad ha ahaado, Safiir ha ahaado, maxaa yeelay mawqifka Somalilandnimada waa mawqif ay Shacabka reer Somaliland qaateen”.


Mar uu ka hadlayey xanuunka Coronaha ayaa yidhi "Dhimashadii dadku way sii kordhaysaa, xanuunkana halistiisu ayuu leeyahay, ee ILLAAHAY ayaa wax ilaaliye ee dadka ha is ilaaliyaan, oo xanuunkan ha iska ilaaliyaan”.

Loading...
Loading...