Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa

0
Friday May 15, 2020 - 16:41:17 in News by
  • Visits: 1839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa

    Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa


Khilaaf ayaa mar kale ka dhex curtay Madaxda sare ee maamulka Puntland ka dib markii Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) uu ka soo horjeestay Talaabadii uu Madaxweyne Deni ku magacaabay taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa.



Qoraal uu soo saaray Karaash ayaa lagu sheegay inuu buriyey wareegtada uu Deni ku magacaabay saraakiisha cusub oo uu ku sifeeyey iney aheyd mid sharci-darro ah.

Xog:Siciid Deni & Axmed karaash oo Khilaaf weyni ka dhex qarxay+ ...

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in magacaabista taliyaha Madaxtooyada iyo ku-xigeenkiisa aan lagala tashan isaga taasoo buu yiri ka hor-imaanaysa Dastuurka iyo xeerarka kale ee u yaal dowladda Puntland.


"G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday ayaa weli ah taliye ku-xigeenka ciidanka Madaxtooyada Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka Axmed Karaash oo sidoo kale taliye ku-xigeenkii hore amar ku siiyey inuusan u hoggaansamin xilka qaadista balse uu shaqadiisa sii wato.


Madaxweyne Deni ayaan weli ka hadlin arrintan, iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay ee labada nin uu soo dhex galo khilaaf noocan ah oo ka dhashay xilal la magacaabay iyo arrimo kale mudadii ay wada joogeen xafiiska.

Loading...
Loading...