Hay'adda Caafimaadka Ee WHO Oo Saartay Digniin Ku Wajahan Qaarada Afrika Oo Ku Saabsan Covid-19

0
Friday May 15, 2020 - 16:38:03 in News by
  • Visits: 1249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Caafimaadka Ee WHO Oo Saartay Digniin Ku Wajahan Qaarada Afrika Oo Ku Saabsan Covid-19

    Hay'adda Caafimaadka Ee WHO Oo Saartay Digniin Ku Wajahan Qaarada Afrika Oo Ku Saabsan Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Caafimaadka Ee WHO Oo Saartay Digniin Ku Wajahan Qaarada Afrika Oo Ku Saabsan Covid-19


Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Cilmi baaraayaal ka tirsan ayaa sheegay in 250 malyan qof oo ku nool Afrika in sannad gudahood uu ku dhici karo cudurka COVID-19.

New WHO Director Tedros's Opening Vision: People First ...


Corona ayaa si xowli ah ugu baahay gudaha qaaradda, haatan wuxuu gudaha u galay xero ay ku nool yihiin dadka barakacayaal ah gudaha Suudaanta Koonfureed.


Daraasadda ay sameeyeen oo lagu daabacay BMJ Global Health, ayaa lagu sheegay in dad gaarayo 150,000 ilaa 190,000 oo qof uu cudurka ku dili karo gudaha qaaradda Afrika.


Cilmi baarayaashu waxay sidoo kale sheegeen 5.5 malyan oo ku nool qaaradda ay u baahan yihiin adeeg caafimaadka maadama xarumaha caafimaadka ee ka jira halkaas ay la daala dhacayaan daweynta bukaanada uu ku dhacay Malaariyada iyo cudurka qaaxada.


WHO ayaa sidoo kale ka digtay in cudurkan uusan si dhaqsi ah uga dhamaan doonin Caalamka, ayna u badan tahay inuu muddo dheer sii jiro, waxayna ku baaqday in loo baahan yahay qorshe adag oo lagula tacaalo haddii uu daba dheeraado.

Loading...
Loading...