Dawlad Shaacisay Inay Heshay Daawo Dhaqameed Lagu Dabiibayo Xanuunka Coronavirus

0
Friday May 15, 2020 - 16:12:02 in News by
  • Visits: 2112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlad Shaacisay Inay Heshay Daawo Dhaqameed Lagu Dabiibayo Xanuunka Coronavirus

    Dawlad Shaacisay Inay Heshay Daawo Dhaqameed Lagu Dabiibayo Xanuunka Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlad Shaacisay Inay Heshay Daawo Dhaqameed Lagu Dabiibayo Xanuunka Coronavirus


Madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, ayaa sheegay in sababta loo dhaliilayo daawo dhaqameed dhir laga sameeyey oo uu sheegay in ay lagu dawayn karo Covid-19, ay cadaynayso fikirka liita ee ay reer Galbeedku ka qabaan Afrika.




WHO , hay’adda caafimaadka Aduunka ayaa ka digtay in la isticmaalo dawo aan lagu tijaabin shaybaadhada. Iyadoo dawadan Madagascar aan lagu tijaabin shaybaadh.


Midowga Afrika ayaa isna sheegay in ay sugayaan caddaymo saynis oo muujinaya wax tarka iyo awooda dawadaas oo loo bixiyay Covid-Organics, inta aanay wax go’aana ka soo saarin.


” Hadii cidda heshay uu noqon lahaa dal reer Yurub ah dawadan, miyay cid ka shakidaa jiri lahayd? Ilama ah, ayuu yidhi Madaxweyne Rajoelina oo u waramayey telefishanka Faransiiska ee France 24.


Madagascar waxay xaqiijisay in dadkeeda uu ku dhacay Covid-19 wadartoodu tahay 193 qof ilaa haatanna aan midna u dhiman.




Loading...
Loading...