Somaliland Maxay Ka Faa'iidey La Soo Noqoshadii Gobanimadeeda?

0
Friday May 15, 2020 - 11:07:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Maxay Ka Faa'iidey La Soo Noqoshadii Gobanimadeeda?

    Waxaa aynu ku eegaynaa maqaalkan bal iney Somaliland ka faa'iidey la soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa aynu ku eegaynaa maqaalkan bal iney Somaliland ka faa'iidey la soo

noqoshadii xoriyadeeda iyo in ay ka qoomameyneyso oo ay ku qasaartey ficilkii ay kaga baxdey midnimadii Somaliya.


Marka si fiican loo taxliiliyo waxaa aad arkeysaa sawir ka guud ee arintan iyo midhaha ka dhashay la soo noqoshadii qaranimadii Somaliland ee xoriyadii 26 June 1960.



Waxay ahayd 18 May 1991 markii ugu horeysey ee lagu baraarugay in Somaliland dib u heshay qaranimadeedii mar qudha ayaa sawaxanka farxada dadka reer Somaliland is qabsatey gees ka gees waxaana lagu soo dhaweeyey niyadsami.


Waxay maalmahaas ahayd maalmo aad ugu adag dadka somaliyeed oo dagaal sokeeye ka socdo meelo badan oo dalkii Jamhuuriyadii Dimoqraadiga somaliya la isku odhan jirey, waxaa xaaladu ahayd mid murugo leh oo aaney jirin dawlad,sharci,kala dambeyn,oo nidaamkii burburay marxaladaas ayaa hubkii dawladii somaliya dhamaantii uu gacanta u galey dadkii rayidka ahaa.


Hadaba 18 ka May 1991 waxay kala badbaadisay dadkii Somaliland ee xukumadii kacaanku hubka iskugu dhiibtey una kala qaybisay Kacaandiid iyo Kacaan hadii aynu si kale u nidhaahno waa Taageeriyaalkii Mucaaradka iyo Taageerayaashii Dawlada, hadii aaney Ururkii SNM iyo Waxgaradkii beelaha Somaliland u fikirin qaab saxa oo ah in wixii la kala tabaney la iska saamaxo maantana laga wadashaqeeyo iskaashi,walaalnimo iyo dhismaha dawladnimada Somaliland dadka reer Somaliland maanta waxay lahaan lahaayeen weji kale oo qofkii waxgarad ahi garan karo tusaalena waxaa ugu filan qofkii maskaxdiisa ka shaqeysinaya xaada ilaa had aka oogan Konfurtii Somaliya.


Guud ahaan gobolkasta oo Somaliland ahi maanta waxaa uu ka horumarsan yahay Gobolkasta oo Konfurtii Somaliya ah taasna waxaa sabab u ah dhismaha dawladnimada iyo nidaamka ka jira Somaliland.


Sida xaqiiqada ah maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii horumaraya gobolada Somaliland,waxaa horukac la yaableh ka muuqdaa waxbarashada,waxaana si tartiibtartiiba u kobcaya gobolada iyo degmooyinka dalka,Somaliland dhismihii iyo dib ula soo noqoshadii xoriyadii 26 June 1960 waxay Somaliland ka badbaadisay :


  1. War lords kii koonfurta ka sameysmey
  2. Urur diimeedyadii hubeysnaa
  3. Budhcad badeedkii
  4. Kala haysashadii hantida ee bulshada dhexdeeda
  5. Kala aargoosi ku saabsan beelbeel

    Taa badalkeedana Dadkii reer Somaliland waxay noqdeen kuwo isku soo dhawaadey oo caqabadihii dawladii siyaad Bare kala dhexdhigtey ka bogsadey,taas waxaa tusaale kuugu filad waxaa beelihii aan SNM taageeri jirine iney dhexdhexaadiyaan beelihii SNM ta taageeri jirey markey dhexdooda xurguf iyo dagaalo siyaasadeed dhexmareen sidii shirkii Boroma ee nabadeeenta.

    Somaliland waxay ku caano maashay ka bixidii midnida Somaliya waxaana Allah(swt) waafajiyey jidkii nabada horumarka markii ay ka baxday midowgii umana calaacalayso midnimo dambe,waxaad moodaa in dad weli ku riyoonayaan midnimo dambe, balse dadka taas aaminsani waxay ku jiraan riyo maalmeel sabatuna maxay tahay:
  1. Somaliyada konfureed oo dib u dhac badani saameyey oo dhinaca siyaasada danabgelya iyo dawladnimada hogaaminteeda ah
  2. Somalidii konfureed oo kala qaybsan oo aan iyaguba hashiisku ahayn in ay dawlad mida yeeshaan waayo waxay u kala qaybsan yihiin maamul goboleedyo aan xitaa si fiican uwada shaqeyn.
  3. Hogaan siyaasadeed oo karti, waayo aragnimo,daacadnimo,aqoon leh oo aan laga hayn ila hada Somalida dhexdeeda kaas oo hanan kara quluubta bulshada Konfurta.
  4. Daganaasha la’aanta,nabadgelyo xumida iyo xoogaga siyaasadeed eek u hirdamaya siyaasada Somalida gaar ahaan dawlada muqdisho oo aan u muqan mid xal laga gaadhayo sanadahansoo socda.
  5. Dalalka shisheeye ee danahooda ka dhex u gaadhsanaya Somaliya oo aan marna ogoleyn in somaliya cusub oo xor ah la arko iyo kuwo somali ah oo qabaanayaal u ah.

    Arimahaasi oo dhami waxay ina tusayaan in ay riyo tahay in midnimo Somaliya laga fikiro hada balse ay Somalida la gudboon tahay isku soo ururinta Gobolkii Konfureed ee Somaliya oo kala go’go ay halka Gobolkii waqooyi uu yahay mid is haysta oo waliba u socda jidka horumarka .

    Way jiraan in aan Somaliland weli gaadhin meeshii aan la rabey balse waxaa aan marag madoonto ah in ay waxbadan oo togan ay qabsadeen dadka reer waqooyiga ahi ee reer Somaliland.

    Weliba hadii turuturooyinka iyi jalaafooyinka laga deyn lahaa waxaa dhameystirmi lahaa guusha kama dambeysta ah,balse noloshu xaasid ma weydo eh waxaa lugta haya kuwo ku dhashay iyo cadawyo shisheeye oo aan danano gaara ka leh geeska,balse kuwaasi waa kuwo ku hungoobidoona damacooda,shacabka reer Somaliland na way og yihiin nacabkooda iyo nasteexooda.

    Somaliland waxay ka faa’iidey dib ula soo noqoshadii Xornimadeeda:
i) Qaranimo iyo madax banaani
ii) Dimoqraadiyad iyo xisbiyo
iii) Nabadgelyo
iv) Suuq xor ah
v) Shacab walaalo ah oo isku duuban
vi)Jaamicado iyo waxbarsho mid gaar ah iyo mid dawladeed oo tiro iyo tayoba leh

Arimo badan oo kale,hadii ay hesho hogaan daacad ah iyo aqoon yahaniin wadaniyiin ahna waxaa saxmi doona dhaliilaha jira.

Somalilander ku waxay ku xusi doonaan 18 May farxad iyo Caleemo qoyan.
Waad Mahadsantiin Dhamaantiin  

M J Farah

  [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...