Miyuu Ciil Qabe Ciidan Kuu Noqon ( Abdi-Shotaly).

0
Friday May 15, 2020 - 11:02:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Miyuu Ciil Qabe Ciidan Kuu Noqon ( Abdi-Shotaly).

    Ummad yahay Baabuurtii Xashiishadda iyo khamriga lagu qaban jirey cidi lama wareegin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummad yahay Baabuurtii Xashiishadda iyo khamriga lagu qaban jirey cidi lama wareegin,

 ee maxaa kuwa qaadka keenay loola wareegay? Waa suaal meesha taala in aad is waydiiso.  Waxa la yidhi " Waayeel tag lama yidhaaho, ee wax uu ku tago baa la tusaa" Tafsiisha maah-maah-dan hoos baad ka fahmi doontaa. waxan-se ku idhi, Waxay ciiradda, casar iyo fiid, cadceed iyo galab, dhex ciyaarta-ba, beenta cayn-cayn, cishaddii kaste, ku cawaysa-ba, carab kale iyo cod khiyaaliya, ceelka keenta-ba, mar cabaado, qabiil ciirsato, haday ciidiyo caleentii dhirta, calaf moodoo, ma calaashato cunto dhamideed, engeg carabkii, oo waa taas ciil qabe, calan u lulee, hadda cidla timi, ay cawarantoo, jabtay cududidii, oy curyaantoo, ciiday rafatoo, carar daysaye, cago yaw noqon, wa-taas is cuntoo, cidhib-teed game, Aan akhristaw kuu gudo gallo, halka aan qalinka maanta u qaataye, ku soo dhawaw, haddii aanad meel iskaga baydh ahayn, haddii kale u kaalay xaqiiq-ddii waa tane. Arimiha qaadka la leeyahay waa la mamnuucay, waa been ee iyaka baa keena, oo loo fasaxay baabuurta maamul ku sheega " Xaafad-tooyadda" baana soo geliya run ahaantii, kuwii shicib-kana waa lala wareegay, ilayn awel-ba hanti boob qarsoon, oo ay magac u sameeyaan, bay markii hore-ba rabeene, Hoos ka akhriso sidda ay wax dhacayaan.

 

 Waa sheeko dhab ah ee dhegayso ama is diidsii. Shalay markay saacadu ahayd 3:30 galabnimo ( wakhtiga hargaysa), waxa qaad lagu qabtay, wiilka weyn ee uu dhalay askariga waalani " Raggii ma adigaa ka hadhay" Xaafadda la yidhaaho " Gol-Jano" Horaana laga sii daayey, qaad-kiina lagama qaadin, baabuur-kiina lagama reebin, kuwii shicib-kana waa la boobayaa ( Eesh-qiyaasak). Horaa loo yidhi " Waayeel hor-tiisa baa caano loogu biyeeyaa" oo la yidhaahaa waa taas runtii, oo wax kale laguuma hayo, ee badha-xaas caloosha ka buuxiya ama gaajo u dhinta. Waxan uga jeeddda hadaba, oo aan doonayaa wax-yaabaha dhac-dhacaaya, maalmihii ugu dambeeyey ama ilaa iyo intii la yidhi " Waxa la joojiyey qaadkii" arimo iska daba imanaaya, oo wareer ka dhex abuurey ummadda. U doodi-maayo qaadka, oo aniga baaba ka soo hor-jeedda, waayo dhibaatadda iyo dhaqaale xumaanta uu ku hayo dal-keena iyo dad-keena mid miisaan la saari karo maaha. Waxan-se u dan leeyahay. siyaasadda is burinaysa ee askarta bilaa masakx-dda ahi ay kula kacayso ummadda iyo khiyaamoo-yinka cidhib la'aanta ah, ee ay doonayso in ay kaga xoogsato shicibka. Aan kuu dhex gallo'e bal ila eega.

 

Run hadaad rabto maamulka "Xaafad-tooyadu" shadaafaha buu laalaabtay, dibna in uu u soo yab-yabto haw fadhiyina. Wuxu iibsan kari la'yahay baabuur uu ku adeegto, Dabeed naf la caaridkii, wuxu is yidhi askariggii " Raggii ma adigaa ka hadhay" Ka faa'iidayso baabuurta shicibka, oo ugu marmar-siiyood qaad bay keeneen bilaa sharci ah ( Ka wiil-kiisu keenay ma sharcibaa?) Ilayn waa maskaxddii aynu ogayne, ee ay waskh-dda iyo cuqdadu ka buux-daye, waxay fekrediisii bugtay ay siisay, si aad ula wareegto gaadiidka ummadda, ku raad gado qaad bay soo geliyeen, oo sidaas ku xalaa-layso hantidda ummadda, markii uu ka soo hoyday beerihii, baloodhaddii, jagooyinkii iyo guriyhii, ay isaga iyo qoys-kiisu ka dhaceen muwaadi-niinta dan yarta ah. Daraad Magaaladda Hargeisa Baabuurta wasiiradda biyaha, hawlaha guud, warfaafinta iyo mid-ka-mid ah kuwa " Arimaha gudaha, baa Hargaysa qaad lagu qabtay, oo lagu soo geliyey, waana la siidaayey dhamaan-tood, Burco Baabuurkii Xashiishka waad daawaynay-seen siddii qaadka u qaybi-naayey, hadaba aan soo koobo'e " Haddii daacad laga yahay qaad joojinta, Maxaa Darawaliin-taas loo xidhi-xidhi waayey? Baabuurta maamulka asakrta waday? Ama loo ganaaxi waayey? Shaqadda looga eryi waayey? Saw maaha micnuhu anaka baa hoos u soo gelinayna, ee idinku ma keeni kartaan? Waxaynu samaynaa waa xalaal, idina waa xaaraan, saw is yeel-yeel baabur doona ah xaalku kuma uu dambayn?

 

* N.B Waayeel Tag Lama Yidhaaho, Ee Wuxuu Ku Tago Baa La Tusaa"

Qore:- Abdi Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...