Guddoomiyaha gobolka SOOL oo Baaq Iyo Tallooyin Isbarkan u diray Shacabka gobolkaas

0
Friday May 15, 2020 - 00:59:24 in News by A. Asbaro
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka SOOL oo Baaq Iyo Tallooyin Isbarkan u diray Shacabka gobolkaas

    Guddoomiyaha gobolka SOOL oo Baaq Iyo Tallooyin Isbarkan u diray Shacabka gobolkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka SOOL oo Baaq Iyo Tallooyin Isbarkan u diray Shacabka gobolkaas

Hargeisa(HWN):-Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan oo uu baaq iyo tallooyinka ugu jeedinayay qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolkaasi.


Waxaanu fariimo kala duwan u kala diray qaybaha kala duwan ee bulshadda sida culimadda, imaamyadda masaajidadda, ganacsatadda, ku bogaadiyay bulshadda gobolkaasi sida wanaagsan ee ay ugu hogaansameen tallooyinka caafimaad ee ka hor taga caabuqa Covid-19.

Sidoo kalena waxa uu dadweynaha ku baraarujiyay in ay ka faa’iidaystaan khayraadka badan ee ku jira bishan Ramadaan oo aan tobankeedii danbe galnay.


War-saxaafadeedkaasi oo nuqul ka mida uu soo gaadhay Warbaahinta Hadhwanaagnews, ayuu badhasaabku ugu horayn waxa uu bogaadiyay bulshadda gobolka Sool.

"Bulshadda gobolka Sool, waxaan si xushmad leh ugu boorinnayaa u heellannaanta talooyinka caafimaad iyo go’aamada dawliga ah ee ku aaddan, ka hor taga caabuqa saf-marka ah Covid-19.

Waxaynu galnay 10-ka danbe ee bisha Ramadaan. Waxaanan idinku baraarujinayaa ka faa’iidaysigooda, Rabbi-na aan ka barino ka nabad galka masiibo idilkeed. Sida xannuunkan Adduunka halakeeyey ee Coronavirus-ka”.

Guddoomiye Jiidhe, ayaa sidoo kale waxa uu war-saxaafadeedkiisa fariin ugu diray culimadda iyo imaamyadda masaajidadda.

"Guud ahaan culimada, si gaara maamullada Masaajidadda iyo qaybaha bulshadda, waxaan ka rejaynnayaa kaalinta kaga aaddan inay ka qataan ka hortagga aafada Covid-19-ka, una hogaansamaan qodobadii ay soo saartay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland”.
Geesta kale, Guddoomiyaha Sool ayaa war-saxaafadeedkiisa waxa uu baaq ugu diray ganacsatadda gobolka.

Waxaanu ku yidhi, "Baayac-mushtarka gobolka ayaan ugu baaqayaa, inay ka dheeradaan waqtigan adag tallaabo kasta oo abuuri karta kor u kac ku yimaadda maciishadda iyo sicir barar.

Maalmahan oo ay soo fool leedahay Ciidul Fidrigu, waa xilliga ay ugu mashquul badan yihiin suuqyadu. Waxaanan idin farayaa, idinka iyo shacabka-ba digtoonnaan ku saabsan siyaabaha uu u gudbo una faafi karo Covid-19”.

Dhinaca kale badhasaabka Sool ayaa mahad naq u jeediyay madaxweynaha Somaliland iyo guddiga ka hor taga Coronavirus ee heer qaran dedaaladda ay muujiyeen ay ka midka tahay raashinka kaalmadda ah ee la gaadhsiinayo goboladda iyo degmooyinka dalkoo dhan.

War-saxaafadeedka oo arrimahaas ka hadlaya waxa lagu yidhi, "Waxaan u mahad cellinayaa Madaxweyne Muuse Biixi iyo guddiga heer Qaran ee Madaxweyne ku-xigeenku madaxda u yahay ee u dar-ban hortaga Covid-19.

dedaalka ay muujiyeen ayna u danbaysay barnaamijka ay xuseen ee Raashinka lagu gaadhsiinayo dadka danyarta ee jilicsan. Kuna kala nool dhammaan degmooyinka dalka.

Waxaynu galnay marxalad aan caadi ahayn, madaama kiisas Covid-19 gudaha dalka laga helay, dallalka aan jaarka nahay ay ka mid noqdeen kuwa Afrika ugu horeeya kiisaska Covid-19. Waajib ayay inagu tahay wada jir in aynu uga hortagno. JOOGTEE FARA-DHAQASHADA” ayuu badhasaabka Sool ku soo gebagabeeyay war-saxaafadeedkiisa.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...